axadle728x40

Home » Wararka

Hambalyo: Muslimiinta Caalamka oo isku raacey in Barito ay Ciid Tahay.

Waraarka naga soo gaaraaya Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Deegaanada loo Barakacay Ee duleedka Magaalada ayaa waxa ay sheegayaan in si toos ah loo arkay Bisha Soon fur iyadoona Maalinta bareito ah la isku raacay in ay Tahay Maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga. Dad goob jogayaal ah ayaa inoo xaqiijiyey in ay arkeen bisha Soon fur, iyadoona Cabdi wali C/laahi oo ku sugan 13Km uu ka mid yahay dadka sida... 

Qaab ceen kee ah ayuu u dhacay Ismiidaamintii Garoonka Muqdisho.

Waxaa Duhurnimadii Maanta qarax xoogan uu ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalad Muqdisho Xilli ay garoonka ka sii dhoofayeen Wafdi ka socday Qarmada Midoowe, Midowga Yurub, IGAD, iyo AU. iyadoona qaraxaasi uu ahaa labo qarax oo is xigay. Hadaba Qaraxaasi oo qasaare Nafeed iyo bur bur geystay Ayaa waxaa fuliyay rag ku labisnaa dareeska Ciidanka Dowlada kuwaasi oo sitay laba gawaari oo nuuca Raaxada... 

Wafdi ka socda QM iyo IGAD oo muqdisho yimid iyo Qarax lagu sagootiyay.

Wafdi ka socda Qarammada Midoobay, IGAD iyo Midowga Afrika ayaa maanta booqdasho gaaban ku tagay Muqdisho, iyagoo kulan la qaatay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Wafdiga oo uu hoggaaminayay ergayga xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaablisan arrimaha dalka Soomaaliya Augustine Mahige, ayaa waxaa mid ahaa wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Boubacar Diarra iyo sarkaal ka socday... 

Ismiidaamin iyo tacshiirad ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Wararka kala duwan ayaa ka soo baxay qarax goor dhaweed lala eegtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kaas oo wararka qaarkood sheegayaan in uu ka dambeeyey nin watay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, halka kuwo kalena sheegayaan in qaraxa kadib meeshaas tacshiirado lays ku dhaafsaday oo kuwa qaraxa heystay & ciidmada Dowlada oo garab taagan Ciidmada AMISOM. Gaariga is qarxay... 

Dowlada KMG ah & Xarakada Al Shabab ayaa guul kala sheegtay.

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxa ay guulo ka sheegatay dagaaladii Shalay galinkii dambe ilaa xalay saqdii dhexe ka soconayey magaalada Muqdisho. Sheekh Cabdirisaaq Max’ed Qayloow Afhayeen Wasaarada Warfaafinta DKMG Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dagaaladii Muqdisho ilaa xalay ka socdey ka soo hooyeen guulo. Afhayeenka ayaa sheegay in dagaalada ay ka yimideen ka gadaal markii Xoogaga ka soo horjeeda... 

Xaalada Muqdisho oo degan iyo cabsi wali taagan.

Xaalada Magaalada Muqdisho Ayaa Manta u muuqata mid ka yara degan saacidhii u danbeeyay ka dib dagaalo qaraar oo la isku jilba jabsaday kaasi oo dhex maray Xoogaga Mucaaradka Iyo Amisom oo ay wehlinayaan Ciidamda Dowlada. Xarakada Shabaab ayaa galinkii danbe ee shalay iyo Fiidkii hore ee xalay Baneeyay Fariisamo dhowr ah oo maalmihii u danbeeyay ay kala wareegeen ciidamda Dowlada kuwaasi ook u yaal... 

AMISOM oo dagaal xoogan ku qaaday Xoogaga Mucaaradka iyo Fariisamo ey baneeyeen Mucaaradka.

Ciidama Dowlada KMG,ah ee soomaaliya oo ay wehlinayaan Kuwa AMISOM ayaa fdagaal fool ka fool ah galabta iyo fiidnimadaan caawa ah la galay xoogaga hubeesan ee ka soo horjeeda ee iyaguna is baheesanayo waa Xarakada Shabaab iyo Xisbul Islaam. Dagaalkaani oo ahaa mid ay si toos ah u qaadeen ciidamda AMISOM ayaa waxa ay ku difaacanayeen Saldhigyada ey ku leeyihiin gudaha Magaalada muqdisho qaarkood ka... 

Afhayeenka AMISOM oo ka digay qatar ka imaan karta Al- Shabaab.

Afhayeenka ciidamada AMISOM ee sugan gudaha Dalka Soomaaliya. Barigye Behuko ayaa wax aan la dhayalsan karin ku tilmaamay hadalkii shalay ka soo yeeray Mid ka mid ah saraakiisha Xrakada Al-Shabaab ee ku aadanaa in ay mar kale qaraxyo ka fulinayaan gudaha Dalka Ugandha hadii Dowlada ugaandha ay ciidamadeeda dalka kala bixi weyso eyna joojin weyso ciidanka ay soo kordhineeso. Behuko oo ka jawaabayay... 

Maxaa ka soo baxay Kulankii dhex maray Queen Beatrix iyo Hogaamiye yaasha Xisbiyada Dalka Holland.

Tan iyo waxii ka danbeeyay 09-06-2010 xilligaasi oo dalka Holland loogu dareeray Doorashadii Wadanka ayaa waxaa soo ifa baxaayay marba marka ka danbeeyay is qab qabsiga siyasiyiinta xisbiyada ka dhisan Dalka Holland taasoo salka ku heysay sidii loo soo dhisi lahaa Dowlad wadaag ka dhaxeesa Xisbiyada dhanka midig iyo bidix. is qab qabsigaasi oo soo gaaray muddo 2 bilood iyo in kabadan aya dhinacyada... 

Dowlada KMG oo howlgalo baritaan wali ka wada Degmada Wadajir.

Askarta dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa saaka howlgalo baaritaano ah waxay ka bilaabeen qeybo ka mid ah Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, oo ka dhaceen qaraxyo iyo dilal soo lab laabtay. Saaka ayaa ciidamo fara badan oo ka tirsan Askarta dowladda KMG ee Soomaaliya waxaa lagu arkayaa xaafado dhowr ah oo hoostaga degmada Wadajir, waxaana halkaasi ay ka wadaan howl galo baaritaano ah. Sida ay soo...