axadle728x40

Home » Wararka » Sheekh Maxamed Saciid (Atam) oo ka hadlay Dagaaladii ka dhacay Puntland iyo ka mid ahaan shiyahiisa Al-Shabaab.

Sheekh Maxamed Saciid (Atam) oo ka hadlay Dagaaladii ka dhacay Puntland iyo ka mid ahaan shiyahiisa Al-Shabaab.

Hogaamiye Diimeedka ka dagaalama Deegaanada Puntland ee Dhawaan lala xariiriyay in uu ka tirsan yahay Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama qeybo ka mid ah koofunrta dalka Soomaaliya Ayaa beeniyay in uu ka tirsan yahay Ururkaasi wax gacan saar ahna la leeyahay.

Sheekh Maxamed Saciid (Atam) oo wareysi Gaar ah siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee idaacada VOA ayaa Faah faahin ka bixiyay Dagaalkii dhawaan dhex maray maleeshiyaadkiisa iyo Ciidamda Maamul Goboleedka Puntland.

“Dagaalka waxa uu ahaa mid ay nagu soo qaadeen Ciidamada PIS-ta ee Puntland ma aheyn mid aan anaga qaadnay”Ayuu yiri Sheekh Atam oo dhanka kale sheegay in uu dagaalka yimid ka dib markii Ciidamadiisa ay go,doomiyeen Maamulka Puntland.

Hogaamiyahaan Ayaa sidoo kale sheegay in uu san wax xariir ah la laheyn Kooxda Al-Qaacida iyo Shabaab Asigona Sheegay in Maamulka Puntland uu u Aqoonsan yahay Maamulkooda balse ay ka bad badiyeen waa sida uu hadalka u dhigiyee. “Madaxweyne Farole Waan u sheegay dhowr jeer oo horey in ciidamadiisa ay igu heeraarsan yihiin balse waxba ma uusan ka qaban”Ayuu yiri sheekha.

Sidoo kale Sheekh Atam waxa uu meesha ka saaray in deegaanada ay ku sugan yihiin ee Gal-Gala iyo Karin aysan ku sugneen koox ajaaniib ah haba yaraatee dad soomaali oo ka soo jeeda Koonfurta xittaa waa sida uu hadalka u dhigiyee.

Dhanka kale Sheekh Maxamed Saciid Atam Ayaa madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ku eedeeyay in deegaanadaasi uu ka soo buux dhaafiyay ciidamo uu sheekha ugu magac daray Ashhaado la dirir kuwaasi oo dhac iyo boob u geysta dadka deegaanka taasina ay tahay wax aan loo adkeesan karin buu yiri.

“Faroole Dhowr jeer oo horey ayaan balamo la galnay, balse waa nin balan ka bax ah” Ayuu yiri Sheekh Atam oo sheegay in marar badan la yiri in laga kor qaadi doono ciidamada ku heeraarsan balse aysan suura galin.

Hadalka ka soo yeeray Sheekh Atam Ayaa waxa uu u egyahay mid uu kula simaayo Hadalkii Afhayeenka Ururka Al-Shabaab ee u ku beeninaayay in Sheekha iyo Maleeshiyaadkiisa ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab inkastoo cod duuban oo warbaahinta qaar la soo dhigay uu sheekha afkiisa ku cadeeyay in uu ka tirsan yahay Ururka Al-Shabaab inkastoo haatan ay dad badani is weydiinayaan waxa mowqifkisa badalay.

Leave a comment