axadle728x40

Home » Wararka » Dowlada Iyo Al-Shabaab oo dagaalo culus ku dhex maray Deegaanka yeed ee Gobolka Bay & Bakool.

Dowlada Iyo Al-Shabaab oo dagaalo culus ku dhex maray Deegaanka yeed ee Gobolka Bay & Bakool.

Dagaal Xoogan ayaa galankii danbe ee shalay waxa uu deegaanka yeed ee Gobolka Bay & Bakool ku dhex maray Ciidamada Ururka Al-Shabaab iyo kuwa Dowlada KMG,ah kaasoo la isku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan ayna ka dhasheen qasaaro kala gedisan oo naf iyo maal intaba isugu jirta.

Dagaalkaani oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxaa guulo ka sheegtay dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay iyadoona Afhayeenka Howlgalada Ciidanka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo warbaahinta la hadlay ku faanay in dhankooda ay qasaaro u geysteen Dhinacii Dowlada.

“Weerarkaasi waxaa nagu soo qaaday kooxo isku aruursaday deegaanka yeed oo ka tirsan dowlada, waxa aynu u geysanay jab weyn, Waxaan gacanta kaga dhignay gaari dagaal iyo saanad minitari”ayuu yiri Abuu Muscab oo sidoo kale sheegay in dhaawacyo iyo dil ay u geysteen ciidamadii dowlada.

Dhanka kale Guddoomiyihii maamulka Degmadaasi ee muddaba deegaanadaasi dibad joog ka ahaa ayaa beeniyay hadalka ka soo yeeray Afhayeenka Howlgalada mar ay labaduba u warameen mid ka mid ah idaacadaha madaxa banaan ee ka howl gala magaalada muqdisho.

“waxaa naga dhaawacmay oo kaliya sedex askari, qasaaro kale oo na soo gaaray ma jiraan walina kooihii deegaankaasi ku soo duulay waynu is hor fadhinaa”Ayuu yiri Macalin Maxamed Axmed oo horey guddoomiye ugu aha deegaankaasi.

Marka la soo tago hadala is burinaya ee ka soo yeeray labada dhinac, ayaa waxaa jira qasaaro kala gedisan oo labada dhinacba soo gaaray iyadoona dhinacyadii isku hardiyay Deegaankaasi ay wali yihiin kuwo isku hor fadhiya.

Wali waxaa soconaya Dhaq dhaqaaqyo Minitari oo ay labada dhinacba isugu hub aruursanayaan iyadoona Saaka la dareemayo Deganaasho aan cago buuran ku taagneen.

Leave a comment