axadle728x40

Home » Wararka » Ciidamada Dowlada kuwooda Mamulka Hiiraan oo isaga baxay deegaanka kalabeyr ee gobolkaasi Hiiraan

Ciidamada Dowlada kuwooda Mamulka Hiiraan oo isaga baxay deegaanka kalabeyr ee gobolkaasi Hiiraan

Wararka laga helayo deegaanka Kalabeyr ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya inay halkaasi ay isaga baxeen Ciidamadii Dowladda KMG,ah ee Muddooyinkii u danbeeyay ku sugnaa deegaankaasi..

Ka bixi taanka Ciidamda Dowlada KMG,ah ee deegaankaasi oo illaa iyo iminka aan La ogeyn Ayaa warar hoose waxa ay sheegayaan in ay u jiheysteen Dhanka iyo Xuduuda Dalka Ethopia.

Muddooyinkii u danbeyay Ayee Ciidamadaani Dhaq Dhaqaaqyo kala gedisan ka wadeen Deegaankaasi kala beyr ee Gobolka Hiiraan iyadoona Hadal ka soo yeeray Saraakiisha ciidan ee sheegeen in dhawaan ee gobolka ka sifeyn doonaan xoogaga mucaaradka ee gobolka ku sugan.

illaa iyo haatan ma jiraan Mas,uul ka tirsan Maamulka Dowlada KMG,ah ee Gobolka Hiiraan oo ka hadlay ka bixitaanka Ciidamadaasi iyo sababta dhalisay iyadoona ay macquul tahay in ay dib ugu soo laabtaan Deegaankaasi kala beyr maadaama dhowr jeer oo horey sidaani o kale ey dhacday.

Bulshada ku dhaqan deegaanadaasi ayaa walaac fara badan ka muujinayay dhaq dhaqaaqyadii ugu danbeeyay ee Deegaanadaasi ka Wadeen Ciidamada Dowlada KMG,ah iyadoona sidoo kale dhaq dhaqaaq ka soo horjeeda ee wadeen Xoogaga Al-Shabaab ee dhawaanahaan xooga ku qabsaday gobolka hiiraan taasoo Muujineesay in uu mar kale dhiig ka daato gobolka Hiiraan.

Leave a comment