axadle728x40

Home » Wararka » Cali Dheere oo beeniyay in dagaalkii ka dhacay Buuraleyda Gal-gala ey wax lug ah ku leeyihiin.

Cali Dheere oo beeniyay in dagaalkii ka dhacay Buuraleyda Gal-gala ey wax lug ah ku leeyihiin.

Afhayeenka Ururka Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Muqdisho waxa uu kaga hadlay Dagaaladii ka dhacay Qeybo ka mid ah Deegaanada hoostaga Maamul Goboleedka Puntland, ee la sheegay in uu u dhaxeeyay Urur Diimeed Hoostaga Al-Shabaab ee Ciidamada Maamulka Puntland.

Sheekh Cali Dheere ayaa si kulul u beeniyay in Ururkooda Al-Shabaab ay wax lug ah ku laheyihiin dagaaladii dhawaan ka dhacay dhulka buuraleyda ah ee duleedka bari magaalada Boosaaso.

Sheekha waxa uu sheegay in shaqsiyaadka is dagaalay ay yihiin kooxo dulum lagu haayay oo u adkeesan waayay Dulumkaasi iyo dhibaatada iyo waliba kooxihii dulumka iyo dhibaatada waday, waa sida uu hadalka u dhigiyee “Hadii dadku ay iska caabiyeen dhibaatada ma’ahan in ay meesha Al-Shabab joogto,” ayuu yiri Cali Dheere.

Sidoo kale Afhayeenka Ururka Shabaab waxa uu dhankiisa sheegay in dagaalki ka dhacay Deegaanka Buuraleyda ee Gobolka Bari Boosaaso lagu qaaday shacab aan waxba galabsan, Shacabkaasina ay muujiyeen iska caabin, dhankoodana aan wax lug ah ku laheyn dagaaladaasi.

Dhanka kale Dagaalkaasi Maalinta oo dhacay Ka Dib wadaad Diimeedka ku Sugan Buuraha Dagaaladu ay ka dhaceen oo lagu Magacaabo Sheekh Atam Ayaa Taaageerayaashiisa kula hadlay mid ka mid ah Qololka loo Yaqaan Paltalka ee laga istecmaalo aalada Internet,ka Asigoona cadeeyay in ay Xariir wada leeyihiin Ururka Al-Shabaab.

“Walaalaheena Al-Shabaab Xairiir waynu leenahay meel kasta oo ayna joogno, waxa aynu nahay dad isku mabda’ ah”Ayuu Yiri Sheekh Atam oo taageerayaashiisa ugu war bixinaayay Xariirka ka dhaxeen karo asiga iyo Ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa dhankiisa sheegay in dagaalkii ka dhacay Deegaanka Gal-Gala ee buuraleyda Boosaaso uu ahaa Dagaal Caalami ayna soo qaadeen Kooxaha Al-Qaacida oo garab sanaya Ururka Al-shabaab, Asigoona Caalamka ka codsaday in gacan laga siiyo la dagaalanka kooxda Argagixisada.

Lama oga sida uu isku qaban karo Hadalada ka soo yeeray Afhayeenka guud ee Ururka Al-Shabaab ee beeninaya in Wadadka Atam uu ka tirsan yahay Kooxdooda iyo waliba Sheegashada Sheekh Atam ee ah in uu ka tirsan yahay Ururka Al-Shabaab iyadoona dad badan ay is weydiinayaan hadalada iska soo horjeeda iyo ujeedada ka danbeesa.

Leave a comment