Xoghayaha guud ee jaamacadda carabta Mr. Caamir Muusa ayaa ku baaqay shir deg deg ah ay yeeshaan wasiiro ka socda Dalalka Carabta, Midowga Africa, Urur Goboleedka IGAD, QM, Midowga Yurub iyo Ururka Shirweynaha islaamka si loo taageero dowladda KMG soomaaliya. Xalna loogu helo sidii loo soo afjari lahaa mushkilada ka taagan Soomaaliya.
Muusa waxa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in beesha caalamka ay taageero u fidiso ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda Midowga Africa kuwaasi oo ilaalinaya ayuu yiri hay’adaha Xukuumadda ugu waa weyn.
Camir Muusa waxa uu tilmaamay in jaamacadda carabta ay ku garab taagan tahay Midowga Africa xalinta mushaakilada soomaaliya iyo joogitaanka ciidamo caalami ah oo nabad ilaalineed oo suga amaanka xarumaha dowladda iyo halbowlayaasha dhaqaalaha dalka soomaaliya ee burbursan.
Sidoo kale caamir muusa waxa uu ka codsaday dalalka African-ka in ay ka codsadaan Israel in ay ku soo biirto heshiiskii lagu mamnuucayey faafitaanka hubka sida aadka ah wax u gumaada ee Nuclear-ka.
Si kastaba ha-ahaatee Caamir muusa ayaa waxa uu ugu baaqay Madaxda Afrika in ay mowqif midaysan ka qaataan arrinta dalka Sudan islamarkaana ay garab istaagaan Midnimada iyo Madax banaanida dalka Sudan.
Xoghayaha Guud ee Jaamacada Carabta Mr. Musa ayaan shaacin Xilliga Shir weynahaan uu ku baaqay la qaban doono iyo halka ay ka dhici doonto iyadoo maalin ka hor Magaalada Kampla ee dalka Ugandha uu ku soo gaba gaboobay Shir madaxeedka Wadamada Afrika oo ay isugu yimaadeen Diplomaasiyiin caalami ah oo ka kala socday Wadamada caalamka gaar ahaan kuwooda daneeya Arrimaha Soomaaliya.
Zakariya Macalin Nuur.
Muqdisho – Somalia.
Email. zakii@live.com


