axadle728x40

Home » Wararka » Xildhibaanada Dowlada KMG, oo ku sii qul qulaaya Xarunta Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Dowlada KMG, oo ku sii qul qulaaya Xarunta Golaha Shacabka.

Wararka naga soo gaaraya Xarunta Golaha Shacabka ee fadhiga u ah Baarlamaanka Dowlada KMG,ah ayaa sheegaya in saaka Ay fadhi ku leeyihiin Xildhibaanada Dowlada.

Xildhibaanadaani Maanta Fadhiga ku yeelanayo Xarunta Golaha Shacabka Ayaa Fadhigooda waxa uu baaqday Maalintii shalay aheyd kadib markii uu yaraaday kooramkii loogu talagalay inuu ku qabsoomo fadhiyada Baarlamanka KMG ee soomaaliya.

Xildhibaano fara badan ayaa saaka waxay ku qul qulayaan gudaha Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, si ay u yeeshaan kullankii shalay ka baaqday, waxaana Amaanka si aad ah u adkeeyey Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ee Soomaaliya.

Lama oga kullanka Baarlamanka saaka inuu u baaqnayo kooram la’aan la mid ah midkii shalay iyo in uu furmayo fadhiga Baarlamanka, waxayna uga doodi doonaan qodobo dhowr ah oo uu ka mid yahay Xeer hoosadka Baarlamanka KMG ee Soomaaliya

Zakariye Macalin Nuur.

Muqdisho – Somalia

Email. zakii@live.com

Leave a comment