Waxaa saaka Degan Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ka dib markii galinkii danbe ee shalay Dagaalo xoogan iyo Duqeymo culus ay ka dhaceen, iyadoona dagaalada iyo duqeymihii shalay ay ahaayeen kuwo ka dhacay badanaa dhinaca koonfureed ee magaalada muqdisho oo muddooyinkii ugu danbeeyay ka yara nasatay Dagaalada ka socda Muqdisho.
Dagaalkii Shalay oo ahaa mid ka dhacay Degmada HOdan ee Gobolka Banadir Ayaa waxa uu u Dhaxeeyay Xoogaga Xisbul Islaam ee Mucaaradka ku ah Dowlada, iyo waliba ciidamda Dowlada, oo kaashanaya kuwa Ahlu Sunnah, iyadoona Weerarkaasi ay qaadeen Ciidamada Xisbul Islaam.
Qasaaraha ka dhashay Dagaalkaasi ayaa sii kordhaya iyadoona Dhinacyadii is fara saaray ay koox waliba sheeganeeso in dagaalkii shalay ay guulo ka gaareen Walow Dadka Deegaanka ay sheegayaan in Ciidamda labada dhinac ay yihiin kuwo wali isku hor fadhiya goobahoodii hore.
Dhanka kale Duqeymo culus ayaa waxa ay ka dhaceen xaafado kala gedisan oo ka tirsan dhinaca waqooyi iyo koonfureed ee magaalada Muqdisho iyadoona Duqeymihii ugu cuslaa ee shalay lala beegsaday Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag oo muddooyinkii u danbeeyay ka yara caaboonaa dhanka duqeymaha.
Suuqa Weyn ee bakaaraha ayaa waxaa ku habsaday Madaafiic dhowr ah kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac kala gedisan iyadona uu hakad galay ganacsigii suuqaasi.
Sidoo kale waxaa Madaafiic cul culus lagu garaacay qeybo ka mid ah Xaafada Kaasa Bul-bulaare, Degmada Yaaqshiid, Boondheere, iyo Shibis kuwaasoo ay ka dhasheen qasaaro naf iyo maal intaba isugu jiray
Isku soo wada duubee Goobaha Caafimadka Ayaa waxaa lala cararay in ka badan toboneeyo qofood oo wax yeelooyin kala gedisan ka soo kala gaaray Duqeymihii iyo dagaaladi galankii danbe ee shalay ka dhacay Muqdisho, iyadoona Jawiga Deganaasho ee Magaalada Muqdisho Saaka yahay mid ka yara dagan galinkii danbe ee shalay.
Lama oga sida uu xaalka noqon doono iyadoona dhinacyada Muqdisho ku dagaalamaya loogu bartay Muddooyinkii u danbeeyay in dagaaladooda uu bilawday xilliyada danbe ee Maalintii.
Zakariya Macalin Nuur.
Muqdisho – Somalia.
Email. zakii@live.com


