axadle728x40

Home » Wararka » Midowga Afrika oo shirkooda ku go,aamiyay 4,000 oo ciidan in loo diro Somalia

Midowga Afrika oo shirkooda ku go,aamiyay 4,000 oo ciidan in loo diro Somalia

Shir Madaxeedkii dalalka Africa ay ku lahaayeen Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa soo gaba gaboobay iyadoona Shirkaasi ay ka soo baxeen Go,aamo ka duwan kuwii laga filaayay in ay ka soo baxaan shirka.

Madaxda Midowga Afrika Ayaa go,aamiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan Dalka soomaaliya loo geeyo Ciidamo 4,000 oo ciidan si ay u xoojiyaan Awooda Ciidamda AMISOM ee ku sugan Gudaha Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Midowga Afrika Ayaa isku raacay in wax laga qabto Xaalada Amaan ee Dalka Soomaaliya si wadamada Dariska la ah ee ugu bad badaan Amaan Falalka Amaan darida ah ee ka jira dalka soomaaliya in ay ku soo faafaan.

4,000 ee ciidan oo loo dirayo Dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in 2,000 oo ka mid ah ay ka kala imaan doonaan dalalka Guinea iyo Jabuuti. oo 1000 iyo 1000 askari u soo diri doona gudaha Dalka Soomaaliya halka 2,000 ey hartay ay ka imaan doonaan dalalka ku bahoobay IGAD.

Shir Madaxeedkaan Wadamada Afrika ee ka dhacay Dalka Ugandha magaalada Kampala ayaa Ulajeedadiisa ugu weyn aheyn sidii wax loogu badali lahaa sharciga ay haatan ku howl galaan Ciidamda AMISOM ee ku sugan Dalka Soomaaliya ayna u noqon lahaayeen kuwo nabad dhaliye yaal ah weerarana ku qaadi kara Xoogaga Mucaaradka iyadoona xusul duubka ugu weyn ee arrinkaasi wadeen Madaxweynaha Dalka Ugandha iyo kan soomaaliya.

Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramada Midowe u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya iyo Kaaliya Wasaarada Arrimaha Dibada Dalka Mareykanka gaarka ugu ah Afrika ayaa Ajandahaasi si cad ugu hor yimid iyagoona sheegay in aan waqtigaan loo baahneen in ciidamda AMISOM loo badalo kuwo nabad dhaliye yaal ah.

Jan Ping ayaa sheegay inay ka go’an tahay Midowga Africa inuu ciidamo dheeraad ah si deg-deg ah ugu soo diro Dalka Soomaaliya, si wax loogu qabto buu yiri xaalada cakiran ee dalka soomaaliya ka taagan..

Zakariya Macalin Nuur.

Muqdisho – Somalia.

Email. zakii@live.com

Leave a comment