axadle728x40

Home » Wararka » Fadhiga Baarlamaanka oo maanta mar kale baaqday sababo la xariira Dhanka Amaanka awgeed.

Fadhiga Baarlamaanka oo maanta mar kale baaqday sababo la xariira Dhanka Amaanka awgeed.

Fadhiga Baarlamaanka Dowlada KMG,ah oo Maanta lagu waday in uu ka dhaco Xarunta Golaha Shacabka ee fadhiga u ah Baarlamaanka aya dib u dhac ku yimid ka dib markii Xildhibaanada Dowlada ay ka biyo diideen in ay gudaha u galaan Xaruntaasi Golaha Shacabka.

Shalay ayaa waxaa baaqday fadhigii baarlamaanka ka dib markii uu kooramkii loogu tala galay uu buxsami waayi balse baaqashada Maanta ayaa lala xariirinaya in ay ka danbeesay ka dib markii xildhibaanada Dowlada ay ka baqeen in Xaalad amaan daro ay ka soo wajahdo hadii ay gudaha u galaan xaruntaasi maadaama ay sheegeen in aan baaritaan lagu sameenin xaruntaasi ka hor inta aysan gudaha u galin xildhibaanada.

Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Dowlada KMG,ah oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in waaxda Amaanka u qaabilsan Baarlamaanka ay ka gaabiyeen Shaqadooda, Xildhibaanadana ay ku qasban yihiin in ay feejignaan muujiyaan si xaaladooda amaan ay u sugtaan.

Xarunta Golaha Shacabka Ayaa Xilliyada uu fadhiga ka dhacaayo ka hor inta uusan fadhiga dhicin xildhibaanadana aysan gudaha u galin la sameen jiray baaritaano la xariira dhanka amniga iyo hadii ay walxaha qarxa Gudaha ugu jiraan balse Maanta ayaa taasi la sameenin, lamana oga sababta ay Ciidamda Amaanka u sameen waayeen baaritaankaasi oo horey loogu bartay.

Dowlada KMG,ah ee Soomaaliya ayaa xaalado Amaan daro had iyo jeer ka cabsata xittaa hadii ay ku sugan yihiin Xarumaha ay iyagu sida gaarka ah u maamulaan taasoona shaki weyn ka dhalin karta in saraakiisha iyo howlwadeenada Dowlada ay ku jiraan kooxo si hoose la shaqeeya xoogaga Mucaaradka.

Lama oga mana la sii shaacin xilliga fadhiga baarlamaanka la isugu soo laaban doono maadaama uu maanta yahay maalintii labaad uu baaqday.

Zakariya Macalin Nuur.

Muqdisho – Somalia.

Email. zakii@live.com

Leave a comment