Kooxda AC HORUMAR oo ah Koox Soomaali kana Dhisan Dalka Italia Ahna Kooxda Kaliya Soomaaliyeed ee ciyaarta kubada cagta lagana Aqoonsan yahay Dalka Talyaniga Gaar ahaan Magaalada Milano Ayaa Qado Sharaf u sameeyay Ciyaar yahan Ismaaciil Maxamed Diyeshe Taasoo Dhiirigilin u aheyd Ciyaar yahanada Kooxdaasi Maadaama uu Diyeeshe yahay ciyaar yahan si aad ah loo aqaan.
Cabdullaahi Cabdi kariin iyo Marwadiisa Xakiimo Cali Guuleed oo noqday Halyeeyada Dhiigooda Dhacaankooda u huray Aas Aasida iyo Abuurida Koox Soomaaliyed oo ka hir gasha Dalka Talyaniga Ayaa Casuumaadaasi ka dib soo bandhigay Wax qabadka Kooxdooda iyo Heerarka kala gedisan oo ay soo kala mareen iyadoona wax lagu farxo ay noqotay In Dalka Talyaniga Gaar ahaan Magaalada Milano ay ka jirto Koox Soomaali ah oo ciyaarta kubada Cagta kana liis gareesan Wasaarada Sportiga iyo Dhalan yarada Dalka Italia.
AC HORUMAR oo ay u Ciyaaraan Ciyaar yahano kala gedisan oo isugu jira Kuwa ka yar 17 iyo kuwa ka weyn oo gaaraya illaa iyo 100,laal dhalan yaro ah ayaa waxa ay nasiib u heleen ciyaaryahano ka mid ahaan jirtay Kooxdaani in ay Maanta u ciyaaraan kooxda Faca weyn AC Milan Ama FC Inter ee Garoonka Sansirio, Taasoona Muqstaqweyn iyo Rajo wanaagsan u ah Dhalanyarada haatan u ciyaarta Kooxdaasi in ay Heerar kala gedisan u sii gudbaan iyagoona Fursad u heli kara in ay u ciyaaraan Kooxaha waa weyn ee ka dhisan Dalka Italia.
Ciyaar yahan Diyeeshe oo Casuumaadiisa aheyd mid dhiiri gilin u aheyd Ciyaar yahanada Soomaaliyeed ee u Ciyaara Kooxda AC HORUMAR ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in uu indhihiisa ku arko Boqolaal Dhalan yaro soomaali ah oo ku mideesan Koox ka dhisan Dal ka mid ah Dalalka Yurub ugu faca weyn dhanka Sportiga Asigona wax weyn ku tilmaamay Biladaha Qaaliga ah oo ay hanteen Kooxdaani tan iyo jiritaankooda.
AC HORUMAR oo noqtay Kooxdii Ugu Horeesay Somali oo laga dhiso Dalka Italia Gaar ahaan Magaalada Milano Ayaa waxaa Suura galiyay Juhdi Fara Badanna ku bixiyay wax qabadkoodana Amaan gaar ah loogu jeediyaa Halyeeyada u istaagay Hormarinta Dhalanyarada Sportiga ee Qurbaha ku nool gaar ahaan Dalka Italia Mr. Cabdulllaahi Cabdi Kariin iyo Marwadiisa Xakiimo Cali Guuleed.
Kooxdaani ayaa inta badan waxaa u ciyaaraan dhalan yaro soomaali ah oo Dalka Italia muddo badan ku noolaa iyo kuwo haatan Dalka soo galay iyadoona Sanadkaan aynu ku jirno ee 2010 ay ku guuleesatay Awaal Marinta Kooxda ugu wanaagsan oo ay Bixiso Dowlada Dalka Talyaniga Wasaaradeeda Soprtiga iyagoona rajo weyn ka qaba in ay Noqdaan Koox Magac iyo Mansabba Gaarsiisa bahweynta Sportiga Soomaaliyeed ee ku nool Qurbaha kuna rajo weyn in ay ka qeyb galaan Ciyaaro Caalami ah.
Waa Markii ugu horeesay Dalka Talyaniga lagu Arko koox huwan Magac Soomaali oo si weyn loogu yaqaano Dalkaasi tan iyo waxii ka danbeeyay Bur Burkii Dalka Soomaaliya oo ay dalkaasi u soo Barakaceen Soomaali fara badan, kuwaasi oo u muuqday in ay in badan ka jiifeen dhanka Sportiga. Balse Haatan Noqday kuwo Mudan in lagu daydo.









