Madaalihii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta Mudane Maxamuud Ali Ibraahim {Koofur yare} ayaa Hambalyo gaar ah u diray Guddoomiyaha Xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Saciid Maxamuud Nuur {Saciid Mugaanbe} oo Horaantii todobaadkii tagay ku guuleestay Xilka Guddoomiyaha X/S/K/C.ee 4-sano soo socota.
Koonfur Yare oo iminka ku nool Wadanka Holland ayaa ku tilmaamay Doorashadii ka dhacday Magaalada Muqdisho in ay tahay mid lagu farxo Maadaama ay ku soo idlaatay buu yiri jawi aad u degan kana yara duwaneed doorashooyinkii hore, taasoona uu amaanteeda u jeediyay bahweynta Sportiga qeybaheeda kala duwan.
Waxa uu sidoo kale Amaan iyo Boogaadin u jeediyay Gudiga Fulinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta wada shaqeyntii ee muujiyeen 4-tii sano ee la soo dhaafay asigoona kula dar daarmay in 4-sano ee soo socota ay noqdaan kuwo isku duuban kana shaqeeya Hormarka iyo talaabo wanaagsan oo uu gaaro Sportiga Soomaaliyeed gaar ahaan Kubada Cagta.
Koofur yare ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in Sportiga Soomaaliyeed uu maanta marayo Mar xalad aad u adag taasoona la doonayo in uu helo shaqsiyaad u dhabar Adeega Marxalada Adag ee uu haatan dalka ku jiro Asigoona Dhamaan Bahweynta Sportiga Qeybahooda kala gedisan meel waliba oo ay dacalada Aduunka ka joogaan kula dar daarmay in ay ka wada shaqeeyaan Hormarka iyo isku duubnida Bahda Sportiga Soomaaliyeed.
Sidoo Mr. Koonfur Asigoo ka faa,ideesanaya Fursadiisa Hambalyo waxa uu Aman iyo boogadin u jeediyay Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliyeed iyo Madaxda {G.O.S} oo ay Hogaamiyaan Mudane Ibraahim Xuseen Cali Roombe iyo Aadan Xaaji yabarow {Wiish} oo uu ku amaanay sida ay u hormariyeen Sportiga iyo dadaalka dheer oo ay u galeen in xilligaan la joogo ay wali ka dhax shaqeeyaan magaalda Muqdisho oo xaaladeeda tahay mid aad u adag.
Maxamuud Ali Ibraahim {Koofur yare} ayaa bahweynta Sportiga wali waxa ay ku xasuustaan Howlihiisa Shaqo iyo hormarineed ee Sportiga gaar Ahaan kubada Cagta laga soo bilaabo Sanadii 1991 -2006 oo uu heer wanaagsan soo gaarsiiyay ka shaqeynta Hormarka Sportiga.
Koofur oo si weyn loogu Yaqiinay Degmooyinka Boondheere, Kaaraan, iyo Wardhiigleey ayaa mudadii u danbeesay waxa uu ahaa Xubin ka tirsan Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed waliba si gaar ah loogu magacdaray Madaalihii Xiriirka kubada Cagta, waxa uuna ahaa Shaqsigii Buuxin jiray Boos waliba oo loogu Baahdo.
Marka laga reebo Ciyaarihiisa Degmooyinka iyo Taageeradiisa Kooxda LL PP Jeenyo oo ay dad badani ku xasuustaan waxa uu sanadii 1991-1992 ahaa Guddoomiyaha kooxda kubada Cagta ee Degmada Huriwaa ee koobkii rajo soo celinta. Asigoona 1993,dii noqday Gudoomiyiha kooxda K/cagta ee Feeynuus, balse 1994,tii isku badalay Xoghayaha kooxadaasi Feeynuus.
1995,tii waxa uu noqday Xogahayaha kooxada K/cagta ee ALBA, Asigoona 1997,tii ka mid Noqday Xubnaha Guddi Hoosaadka Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed, Isla Markaana ka mid ah Xubin ka tirsan Guddiga Fulinta Xiriirka waxa uuna Sanadahaasi ka qeyb qaatay safaro dibada ah oo uu u hogaamiyay Kooxo K.C oo ka qeyb galayay Tartamo caalami Asigoona si gaar ah ula soo shaqeeyay bahweyn Sporti oo ay ka mid ahaayeen, Yaasiin Abuukar Cariif, C/qani saciid Carab, Salaad Gaab, Cabdi Cadde, Bashiir Geesey, iyo rag kale.
2000- 2002 . waxa uu ahaa Xoghayihii Ciyaaraha Fustelka iyadoona 2004,ta uu noqday kaaliyaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed, 2002 kuufur waxa uu ka mid ahaa Xubnihii Hogaaminayaya Xulka Qaranka ee ciyaaraha la yeeshay Xulka Cameron, Asigoona Mar kale Fursad u helay in uu Dalka Zan Zibar u hogaamiyo Kooxda Elman 2006,dii sidoo kale waxa uu ka mid noqday wafdigii xiriirka Somalia ee ciayaaraha Carabta kaga qeybgalay dalka Lubnaan.
Heerka aqoonta ee madaalihii xiriirka k/cagta Somalia Mahamuud Ali Ibraahin Koofur yare waxey gaarsiisantahay ilaa heer jaamacadeed waxaana qabyo ka noqtay waxbarashadiisii Jaamcadda Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan { facolta di sceinse di base }, hayeeshee dagaaladii ka dhacay dalka ayaa u suragalin waayay inuu dhameysto.Asigoona wax barashadiisa Dugsiga Sare, Hose iyo dhexe kusoo qaatay Dusiga Sare ee Jeneraal Daa’uud.
Koofur waxaa lagu tiriya Shaqsiyaadka waqtigooda Dhiigooda iyo Dhacaankooda u Huray Hormarinta Sportiga Soomaaliyeed gaar Ahaan Kubada Cagta Asigoona waqti waliba ka shaqeeya Sidii Sportiga Soomaaliyeed meel wanaagsan u gaari lahaa.
Salah Hassan Omer {Salah Dheere}
Amsterdam – Holland.
s.dheere@hotmail.com



