Wesley Sneijder oo ah Ciyaaryahan aad loogu jecel yahay dalka Holland kana mid ah ciyaaryahanada ay ku tashtaan qaranka dalka nederland ee wacdaraha ka soo dhigay koobkii Aduunka 2010. South Africa Ayaa la hoyday haweeneyda lagu magacaabo Yolanthe oo ah gabar aad ugu magacweyn Wadanka Nederland ee qaarada yurub iyagoona Aqalgalkooda ka dhacay Dalka Italia.
Ciyaar yahano kala gedisan oo aduunka caan ka ah iyo marti sharaf aad u fara badan oo ka socday dalka nederland ayaa ka qeyb galay xafladii aqal galka lamaanayaashaani oo ka dhacay Florence, taasoo ku kacday qarash aad u fara badan.
Labadaani lamaane ayaa bishii April Arooskooda laga xaqiijiyay Maxkamad ku taal Magaalada Amsterdam ee Dalka Holland iyagoona Aqalgalkooda ka doorbiday in ay ku dhigtaan Dalka Italia.
Yolanthe ayaa iyadu ah haweeney ka shaqeysata soo bandhigida Modelka Ama sameynta Xayeesiinta dharka waxa loo yaqaan iyadoona kaga jirta kaalin aad u sareesa, balse ka hor aqal galka ay la sameesay ciyaaryahan Sneijder ayaa la xaqiijiyay in ay xariir la laheyd heesaaga loo yaqaan John Smith. sanadii 2009.
Balse bur bur ku yimid xariirkooda ayaa waxa ay xariir la sameesay Ciyaaryahankaan iyagoona sanad ku guuleestay in ay wada aqal galaan, inkastoo Ciyaaryahan Sneijder Qudhiisa la sheegay in uu leeyahay 1- canug oo ay u dhashay Haweeneyda lagu magacaabo Jessey.
Ciyaar yahano waa weyn oo ka tirsan kuwa ka ciyaara Dalka Italia gaar ahaan Kooxda Inter Milan ayaa arooskaasi ku tilmaamay Arooskii sanadka, maadaama ay yiraahdeen uu ku kacay aduun aad u qaali ah kana mid noqday aroosyada lala yaabo dunida.
Ciyaar yaha Sneijder ayaa todobaad ka hor ka soo laabtay Dalka South Africa ka dib markii uu ciyaaraha koobka aduunka wacdaro la yaab leh uu ka soo dhigay eyna amaan gaar ah ugu jeediyeen Shacabka Dalkiisa reer Nederland.


