axadle728x40

Home » Ciyaaraha, Wararka » Spain oo Koobka Aduunka la hooyatay, iyo Nederland oo Garoonka ku barooratay.

Spain oo Koobka Aduunka la hooyatay, iyo Nederland oo Garoonka ku barooratay.

Johhanesburg: Xulka dalka Natherland ayaa markii saddexaad ku hungoobay hanashada koobka adduunka, halka Xulka Spain markii ugu horeysay Final koob adduun soo gaaray uu xaqiijiyay Horyaalnimada . gool soo daahay oo yimid daqiiqadii dheeriga 117` ayaa Fabrigas baas u hadiyeeyay A. Iniesta oo xulkiisa u horseeday inay gacanta u gasho koobkan oo markii ugu horeysay ay martigelinayso dal Afrikaan ah [South Africa].

Kulan ciyareedkan oo aad u xiiso badnaa ayay labadan xul ku soo bandhigeen awood ciyaareed iyo farsamo waxayna xiddigaha u ciyaarayay xulalka sida A. Robben , D. Villa iyo Fabregas hore guuleystaan, ciyaarta oo qeybihii danbe u muuqatay mid ciyaaryahanada ku kasbadeen digniino badan ayaa garsooraha Howard Webb ku qarqiyay Jaalihii ugu badnaa abid ee laga bixiyo ciyaar Final koob adduun ah wuxuu garoonka ka saaray hal ciyaaryahan oo Johnny Heitinga

Garoonka Soccer City ayaa waxaa soo buuxdhaafiyay taageerayaal kor u dhaafayay 84.490 iyadoo madax ka tirsan afrika FIFA iyo boqorada dalalka Spain iyo Holland ka soo xaadireen ciyaartan aadka loo wada sugaayay, ugu danbayn koobkii waxaa si wada jir ah gacanta Captan-ka Spain Ikar Casilass u geliyay Madaxweyne Jacop Zuma iyo Sept Ballater.

Koobka adduunka 2010 waxaa wehliyay waxyaabo cajiib ah oo aan hore loo arag sida kooxihii ugu waa weynaa oo goor hore meesha ka baxay iyo xayawaanada wax saadaaliya oo noqday kuwo saadaashooda si weyn loo hadalhayay mar marka qarkiisna iska hor imaanayay balse indheergaradka kubadda cagta ee sideedda lugood leh ee loo yaqaano Paul ayaa u sadaaliyay in Spain ay ka badin doonto Netherland.

Si kastaba, Qaaradda Africa si qurux badan ayay koobkan u martigelisay , waxaana xeritaanka koobka aduunka la qabtay bandhig faneedyo iyo mehrajaano cajiib ah oo raaligelisay intii daawanaysay.

ISBOORTI Cheif Editor

Said Ibrahim Hussein [BUUNA]

buuna@isboorti.com

Cell: Phone: +2526-99-982912

Mogadishu – Somalia

Leave a comment