Xulka Germany ayaa markii 2-aad ku guuleesatay in ay gasho kaalinta 3-aad ee Koobka Ciyaaraha Aduun ka dib markii ay shalay afka ciida u dartay Xulka Uruguay oo kaalintaasi kula tartamaayay.
Thomas Mueller ayaa Goalkii koowaad 1-aad 18aad Balse 10-daqiiqo ka dib waxaa goalkii Bareejada asigana dhaliyay Ciyaaryahan Edinson Cavani oo daqiiqadii 28-aad. dhaliyay.
Uruguay ayaa goal kale la timid taasoona ciyaarta ka dhigtay in hogaanka ay qabtaan kooxda Uruguay iyagoona ku hogaaminaayay 2-1 waxaana Goalkaasi dhaliyay ciyaaryahan Diego Forlan.
Balse Germany oo aan shar yareesan ayaa wax ka yar 5 daqiiqo goalkii Bareejada ahaa la timid ka dib markii ciyaaryahanka Xulka Germany Marcell Jansen uu goal qurux badan la helay shabakha Uruguay taasi oona ciyaarta ka dhigaty 2-2.
Xulka germany ayaa isku dayday in ay xaqiijiso Guusha kulan ciyaareedkaasi ayna u soo gudubto kaalinta sedexaad ka dib markii ciyaaryahan Sami Khedira daqiiqadii 82-aad Goal qurux badan ka dhaliyay Xulka Uruguay, taasi oo ciyaarta ka dhigtay 3-2.
waxaana 90,kii daqiiqo ee lagu talka galay ciyaarta ay ku soo gaba gaboobday 3-2, oo ay guusha ku raacdo Germany oo markii labaad ku guuleesaneesa kaalinta sedexaad ee ciyaaraha aduunka.
Caawa waxaa la ciyaari doonaan ciyaartii kama danbeesta aheyd ee koobka aduunka iyadoona koobka aduunka uu caawa horyaalo kooxaha Spain iyo Nederland.


