Ciyaartaasi ayaa waxa ay ku soo idlaatay waqtigii loogu tala galay 1-0 oo ay guusha ku raacday Xulka Spain oo Finalka la kulmi doona Libaaxyada nederland
Ciyaar aad u xiso badan kana mid aheyd ciyaartii ugu danbeesay ee dhinaca semifinalka Koobka aduunka ayaa waxaa habeenkii xalay ahaa isaga horyimid libaaxyada ka yaabshay Argentin ee Germany iyo Spain, taa oo saadaasha inta badan aheyd in wacdaro la yaab leh lagu dhigi doono kooxda faca weyn ee Spain maadaama kol hore ee Germany u qaadatay sedex koob oo ka mid ah koobka aduunka.
Bilowgii Ciyaartaasii oo labada koxood ee la soo galeen dar dar aad u xoogan ayaa waxaa wareegii ugu horeeyay lagu kala nastay 0-0 iyadoona daa wadayaasha ciyaartaasi ayaa iyagu ahaa kuwo aad ugu maqsuudan hanaan ciyaareedka farsameesan ee labada kooxood soo bandhigeen.
isku soo laabadkii nasashadii ciyaaartaasi ka dib ayaa kubada waxa uu u wareegay dhanka Spain oo kolki horeba aad mooday in xalay lugtooda un loogu tala galay kubada, waxaana daqiiqadii 73-aad Goal qurux badan oo koornu ku imaaday madaxa la helay ciyaaryan Puyol oo Numberka 5-aad u qaata kooxda Spain taasoo ciyaarta ka dhigtay 1-0.
Ciyaarta oo qeybti u danbeesay labada kooxoodba ay mujiyeen dar-dar xoogan iyo dadaal dheeraad ah ayaa hadana nasiibka waxa uu diiday kooxda Spain oo kubado qurux badan beer dareeyay iyadoona ciyaaryahanka Numberka 7-aad ee Xulka Spain Davil Vella uu habeenkii xalay ahaa wax Goal ah uusan dhalin balse kubado badan lumiyay.
Ciyaartaasi ayaa waxa ay ku soo idlaatay waqtigii loogu tala galay 1-0 oo ay guusha ku raacday Xulka Spain oo Finalka la kulmi doona Libaaxyada nederland ee sanadkaan Finalka Koobka Aduunka Fadhisa iyadoona Ciyaarta Xiisaha badan ee Finalka Koobka aduunka ay dhici Doonto 11-07-2010. oo maalin axad ah.
lama oga mana ahan mid la sii saadaalin karo cida labadaani kooxood Spain iyo Nederland sanadkaan la hooyan Doonta Koobka Aduunka balse Axada ayaa la wada arki Doona cida nasiibka ay wehliso..


