Nederland ayaa habeenkii xalay ahaa xaqiijisay in ay tahay kooxda ugu horeeya ee fadhisa Finalka koobka aduunka iyadoona sugeesa Germany Ama Spain Cidii soo badida.
Ciyaar aad u xiiso badan kana mid aheyd bilawga wareega 4-aad Ama Semifinalka Koobka aduunka ayaa waxaa habeenkii xalay ahaa ku wada kulmay Kooxaha Uruguay iyo Nederland. oo ka mid ahaa awoodaha ugu waaweyn ee ku loolamaya koobka aduunka.
ciyaarahaani oo ahaa mid aad u xiiso badan laguna soo bandhigay farsamooyin aa loo wada jecleestay tan iyo bilawgii ciyaaraha aduunka ayaa daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarahaasi waxaa dar dar xoogan garoonka ka muujiyay kooxda nederland oo ku jirta kooxda sanadkaan loogu cabsi qabo in ay la hooyato koobka aduunka.
daqiiqadii 18-aad ee xilli ciyaaredka hore ayaa waxaa goal qurux badan lala helay shabakha xulka uruguay, taasi oo dhalisay caro weyn iyo fir fir cooni xoogan oo ay la soo baxaan xulka uruguay iyadoona u suura gashay ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka hore in ay la yimaadaan goalkii bareejada ahaa waxaana wareegii hore lagu kala nastay 1-1.
isku soo laabadkii ciyaartaasi ayaa waxaad Mooday in nederland ee garonka la soo gashay farsamo cusub iyo dar dar xoogan kaasoo u sahlisay in ciyaaryahana dhinaca goal dhalinta loogu bartay xulka Nederland ee Argen Roben iyo Snyder ee 3-daqiiqo gudahooda ku dhaliyaan labo goal oo qurux badan taasoo ciyaarta ka dhigtay 3-1.
Uruguay oo dhankeeda aan niyad jabin ciyaar farsameesanna garoonka ku soo bandhigaty ayaa ka hor inta uu san seeriga dhamaadka ciyaartaasi dhicin la timid goalkii labaad taasoo ciyaarta ka dhigtay 3-2. oo ay wali hogaanka ku heysay Xulka nederland.
Ciyaartaasi oo 3 daqiiqo dheeri ah lagu daray xilligii logu tala galay ee 90-daqiiqo ayaa waxaa mar qura garoonka is qabsaday sawaxan xoogan oo laga dareemayay taageerayaasha labada dhinac ka dib markii ay labada kooxoodba ay lumiyeen fursado aad u qaali ah oo la maleesan karay in ay yihiin goalal iyadoona ciyaarta ay soo gaba gabobday xilli ay wali hogaanka heysay xulka nederland sidaana xulka uruguay habeenki xalay ahaa loogu macsalaameeyay Koobka Aduunka.
Nederland ayaa habeenkii xalay ahaa xaqiijisay in ay tahay kooxda ugu horeeya ee fadhisa Finalka koobka aduunka iyadoona sugeesa Germany Ama Spain Cidii soo badida.


