Xaflad loogu duceynayey marxuun SH. Calisalaad SH Cabdi Fanax ayaa xalay lagu qabtey magaalada Stockhlom ee dalka Dwedan Xafladdan ducada iyo alla bariga ah ayaa waxaa loo soo abaabuley si aad u heersareysa waxaana ka soo qeyb galey dadweyne aad u farabadan oo isugu jira eheladii culumaa’udiinkii iyo asxaabtii sheeqa waxaana lagu soo qatimey Qur,aamo loo soo aqriyey Marxuum Sh Calisalaad Sh Cabdi Fanax iyadoo Alle looga baryey Naxariis iyo dambi dhaaf.
Dhanka kale waxaa halkaas muxaadaro dheer ka aqriyey SH Muxuyadiin Xasan Ayaanle, Sheeqa ayaa ku dheeraaday Mowdka iyo ducada meydka loo duceeyo, sadaqada loo bixiyo, qirada loo aqriyo, iyo waliba dodobaadka tacsida la sameeyo, iyadoo uu Sheeqo dhamaanma u daliishanayey Aayado Qur,aan ah iyo Axaadiis saxiixa oo laga wariyey Nabigeena Muxamed NNKH.Dhamaan dadkii ka soo qeyb galey xafladaas oo aad u qashuucsanaa ayaa si fiican uga faaideystey muxaadarooyinkii si wadajir ahna ugu duceeyey marxuumka.


April, 8,2010 ayuu sheequ ku geeriyooday magalada Denver, Colorado ee dalka Maraykanka. Allaha U naxariistee Sheekh Calisalaad Sh Cabdi wuxuu kamid ahaa culimadii ugu magaca dheerayd Somaaliya, wuxuu Sheekhu ku dhashay magalada Hobyo ee gobolka Mudug taariikhdu markay ahayd December, 1924, wuxuu sheekhu ku hanaqaaday islamarkaana wax kubartay magalada Hobyo, Galkacyo iyo Garowe, Sheekhu wuxuu ahaa Ganacsade laga yaqaanay magaalooyinka Hobyo, Galkacyo, Garoowe, Muqdisho, 1954 wuxuu kamid noqday ururkii wadaniga ahaa ee SYL, 1956 wuxuu kamid noqday Barlamaankii ugu horeeyay ee Somalia asagoo kasoo galay Hobyo, 1958 wuxuu sheekhu noqday Qaaligii ugu horeeyay ( Prima Qali ) Sheekhu wuxuu ugu dambayntii in muda ah ka shaqaynayay wasaarada arimaha Diinta ee Somalia, Sheekhu wuxuu dhaarinjiray madaxada sare ee dowladiihii soo maray Soomalia oo uu ugu horeeyay Aadan Cabdille Cusman, C/rashiid Cali Sharmaake, Max’ed Siyaada Bare , wuxuu kale oo sheekhu cayimijiray maalinta la bilaabayo Ramadaanka iyo salaadaha Ciida, Sheekhu wuxuu kunoolaa waqtigiisii ugu dambeeyay dalka Maraykanka.



BY Fardowsa Sh Hassan (Kuria)


