Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday degmada Wadajir ee magaaladda Muqdisho, iyadoo u dhaxeysay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Gacal iyo Khadra, hadaba Gacal ayaa lasoo xiriiray wariya-yaasha isha dhacdooyinka caalamka ama shakabadda dhacdo.com, wuxuuna uga waramay sidii ay wax u dhaceyn, waxayna ku bilaabaneysaa sidatan:- Waxaan ku dhashay degmada Wadajir ee magaaladda Muqdisho sanadka markuu ahaa 1982-kii, waxbarashadeyda waxaan kusoo qaatay iskuulka hoose dhexe sare ee Al massal oo ku yiilay 21 October ee degmada Waaberi.
Waxaan ahaa ninka iska afgaaban oo aanan dhex gelin dumarka, hase ahaatee Khadra waxaan aheyn isku iskuul walow aan aheyn kala fasal, aalaaba markaan u sii bixi jiray xilliyada bareega ayaa waxay indhaheyga qaban jireyn, oo runtii aniga ahaan aad bay i cajisay oo duuqeyga bay aheyd, inkastoo aanan hadal ku darsan jirin.
Maalin maal maha kamid ah ayaa waxaa dhacday in qaar ka tirsanaa gudiga iskuulka ay Khadra la-socotay kuwaasoo soo dhex galay fasalkayga waxayna doonayeen inay qoraan dhalinyarada dooneysa inay ka qeyb qaateen kubada cagta, nasiib wanaag Khadra ayaa igu soo aaday oo waxay igu tiri “Walaal madooneysaa inaad ka qeyb qaadato” anna waxan ugu jawaabay haa. Waxayna iga qortay teleefankii guriga igu jiray oo xilligaan waxay aheyd 2003 oo magaaladda Muqdisho Mobile caan kama aheyn.
Habeenkii ayay i soo wacday Khadra meesha ayaa ku wada hadalnay, inkastoo aan u sheegay inaan ahaa nin mar walba arki jiray balse aanan hadal ku darsan jirin, waxay igu tiri “Marax maxaad iskaga dhigeysaa gabdhaha waa walaalahaa oo kale, waana la salaamaa” runtii hadalkaas ay i tiri wuxuu igu abuuray kalsooni wax ku ool ah. Waxaan ka qortay teleefankii ugu jiray gurigooda, waxayna sheekadeenu ku bilaabatay walaaltinimo, inkastoo dhawr bilood kadib uu isku badalay dareen, bacdamaa aanu is af garanay.
Aniga iyo Khadra waxaa inoo bilowday jaceyl, waxaana isla soo qaadanay waqti wanaagsan, balse markaan iskuulka dhameynay ayay waxaa nagu soo daristay wal-wal xoogan, kadib markii Khadra uu soo doontay nin ka yimid dalka isku taga ee Imaaraadka Carabta, kaasoo ahaa kamid ahaa ganacsata suuqa bakaaraha ay u kala socotay.
Khadra ayaa aad uga dhiidhisay ninkii soo doontay, balse odayga dhalay Khadra ayaa wuxuu ahaa oday dhameeyay madax adeeg oo dhan, oo gabadhiisa wuxuu ku yiri “imisa sano ayaa kusoo korinaayay, i sheeg sababta aad ku diideyso ninkaan aanu tolka nahay ee kusoo doontay” hase ahaatee waxay u sheegtay inay jaceshahay ruux kale, taasoo u cuntami weyday odaygii dhalay.
Buuq iyo qeylo joogta ah kadib ayaa sheekadii waxay gaartay Khadra adeeradeed iyagoo gabadhooda u soo jeedshay inay iska guursato ninkaan ganacsatada ah ee isku tolka yihiin, waxay Khadra diido ayaa ugu danbeen lagu yiri “Naa haddii aad hadalkayna diiday Duco Mise Habaar mid uun dooro” Khadra ayaa talo oo dhan ku ciirsatay iyadoo aragtay inay halmeel kasoo wada jeedsateen dhamaan caruurtii ladhalatay, waalidkeedii, qaraabadeedii. dabadeed Khadra waxay go’aansatay inay iska guursato ninkii ganacsatada ahaa.
Habeenkii ayay i soo wacday waxayna i sheegtay intaan kadib inaysan la-dagaali karin tolkeeda, waxay kaloo i sheegtay inay go’aansatay inay guursato ninkii ganacsatada ahaa,
Sidoo kale anna waxay iga dalbatay cafis, bacdamaa ay oofin weyday axdigii iyo wacadkii inaga dhaxeeyay.
Labo cisho kadib ayaa waxaa dhacay maherkii gacalisadeyda Khadra, waxaan ka calool xumaado oo aan habeen iyo maalin iska ooyo ayaa waxaa lasoo gaaray xafladii Khadra, wey i soo wacday, waxayse iga codsatay inaan kasoo qeyb galo xafladeeda oo ka dhaceysa Hotel Shaamoo ee magaaladda Muqdisho, anigoo ka calool xun ayaa waxaa ka balan qaaday inaan kasoo qeyb geli doono.
Qoyska aan ka dhashay oo la-socday xiriirka inaga dhaxeeyay ayaa waxay aad uga calool xumaadeyn Khadra oo nin kale noqotay afadiisa, waxayna qoyskayaga igula taliyeen inaanan ka qeyb qaadan xafladaasi, balse waxaan u sheegay inaan ka balan qaaday Khadra inaan ka qeyb qaadan doono hadduu Rabi Idmo.
Waan tagay xafladii waxaana la-kulmay wax ii cuntami waayay, oo maxaan la kulmay? Waxaan la kulmay Khadra iyo ninkii guursanaayay oo hal-meel wada fadhiya waxay kaloo indhahayga qabanayeen Khadra oo uu gacmaha heysto saygeeda cusub, isagoo barxadda kula ciyaaraayay.
Ugu danbeen 15 cisho kadib markaan xanuun la-joogi waayay magaaladda Muqdisho ayaa waxaa u soo hawo badashay magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Hadaba waxaan su’aalo kala duwan weydiinayaa dhalinta Soomaaliyeed, ee su’aasha ugu horeyso waxaa weeye haddii tanoo kale kuugu dhici laheyd sidee baad sameyn laheyd?
Wadada aan qaaday ma-wado qaldan baa?.
Gacal oo wareysi dheer siiyay wariya-yaasha isha dhacdooyinka caalamka ama shabakadda dhacdo.com ayaa intaasi kusoo gaba-gabeeyay qisadii naxdinta laheyd ee ku dhacday.
Hadaba cidii dooneysay inay jawaabahaan kasoo jawaabaan waxay kusoo hagaajin karaan laacib143@hotmail.com, anagana waxana gaarsiin doonaa Gacal haddii uu Rabi Idmo, cidii dooneysa inay lasoo xiriiraan wariya-yaasha isha dhacdooyinka caalamka ama shabakadda dhacdo.com waxay kala soo xiriiri karaan dhacdo@hotmail.com
Xasan Cadde
KL Malaysia
Dhacdo.com



asc wr wb ..dhamaan aqristayaasha ..ku xiran beejkaan …waa qisa cajiib ah hadana wan saas ugu cusbeen umada soomaaliyeen nin kii ku noolaa ayaa arinkaa dareemi gara runtii sawabaha keeneyso ..arinkaa oo kale waxeey ka mid tahay musiibada umada soomaaliyeed heesato ..waxan ilaah ka baryeenaa in uu naga saaro ..aamin aamin aamin..run ti rayi ahaanteeya ..gabadha ma qaldano hadeea ingaar iyo duco timaday meesha familkana wada safteen ..anigu xaalka hadeey igu dhici laheed koleey waxan sameen lahaa waan ka samri lahaa ilaahna waxaan ku duceeysan lahaa mid qeer badan inuu ilaah isiiyo ..