axadle728x40

Home » Dhacdooyinka » Dhacdo Fajac iyo Amakaag Leh oo Ka Dhacday Degmada Xamar Weyne ee magaaladda Muqdisho.

Dhacdo Fajac iyo Amakaag Leh oo Ka Dhacday Degmada Xamar Weyne ee magaaladda Muqdisho.

Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday degmada Xamar Weyne ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, waxayna u dhaxeysay qaadin gacanta ku haaya mid kamid masaajidda ku yaalla degmada Xamar Weyne iyo nin burcad ahaan jiray oo ka towbad keenay wixii uu ku sugnaa.Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in ninkii burcad ahaa uu ka qumameeyay wax yaabihii xumaa ee uu gacanta kula jiray, isagoo gartay inuu ka towbad keenay wax yaabahaas, hase ahaatee maalintii shalay aheyd ee salaadda Duhur kadib ayuu masaajidka soo galay ninkii burcad ahaan jiray, xilli uu weyso qaadanaayay ayaa waxaa arkay qaadintii masaajidka wuxuuna yiri “Waryaa inkaar qabe adiga yaa salaadaada aqbalaaya, waxba ha’isdaalin ee meeshaajidka kabax” ayuu si kulul u yiri qaadinkii.

Ninkii mooryaanka ahaa oo yaabanaa ayaa yiri ” Haddii aan Salaadeeda la’aqbaleenin maxaan isku daalinaayaa”?

Waxaa la-sheegay hadalkaasi inuu maqlay mid kamid ah odayaasha caanka ka ah degmada Xamar Weyne isagoo qeylo iyo canaan kulul kala dul dhacay qaadinkii gacanta ku haayay Masaajidka, wuxuuna talo wanaagsan u soo jeediyay ninkii burcad ahaa wuxuuna ku yiri “Towbadaada waa sax 100%, waxaana la timid niyad wanaagsan ee haka tagin wadada wanaagsan ee aad hada kusoo dhacday”.

Si kastaba ha’ahaatee qaadinkii masaajidka ayaa raali gelin buuxda siiyay ninkii mooryaanka ahaan jiray, isagoo ku calaacalay inuu ka gardarnaa.

Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday degmada Xamar Weyne ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, waxayna u dhaxeysay qaadin gacanta ku haaya mid kamid masaajidda ku yaalla degmada Xamar Weyne iyo nin burcad ahaan jiray oo ka towbad keenay wixii uu ku sugnaa.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in ninkii burcad ahaa uu ka qumameeyay wax yaabihii xumaa ee uu gacanta kula jiray, isagoo gartay inuu ka towbad keenay wax yaabahaas, hase ahaatee maalintii shalay aheyd ee salaadda Duhur kadib ayuu masaajidka soo galay ninkii burcad ahaan jiray, xilli uu weyso qaadanaayay ayaa waxaa arkay qaadintii masaajidka wuxuuna yiri “Waryaa inkaar qabe adiga yaa salaadaada aqbalaaya, waxba ha’isdaalin ee meeshaajidka kabax” ayuu si kulul u yiri qaadinkii.

Ninkii mooryaanka ahaa oo yaabanaa ayaa yiri ” Haddii aan Salaadeeda la’aqbaleenin maxaan isku daalinaayaa”?

Waxaa la-sheegay hadalkaasi inuu maqlay mid kamid ah odayaasha caanka ka ah degmada Xamar Weyne isagoo qeylo iyo canaan kulul kala dul dhacay qaadinkii gacanta ku haayay Masaajidka, wuxuuna talo wanaagsan u soo jeediyay ninkii burcad ahaa wuxuuna ku yiri “Towbadaada waa sax 100%, waxaana la timid niyad wanaagsan ee haka tagin wadada wanaagsan ee aad hada kusoo dhacday”.

Si kastaba ha’ahaatee qaadinkii masaajidka ayaa raali gelin buuxda siiyay ninkii mooryaanka ahaan jiray, isagoo ku calaacalay inuu ka gardarnaa.

Leave a comment