axadle728x40

Home » Wararka » Kooxo burcad badeed Soomaali ah oo afduubtay Markab kalluumaysi oo laga leeyahay Dalka Spain.

Kooxo burcad badeed Soomaali ah oo afduubtay Markab kalluumaysi oo laga leeyahay Dalka Spain.

Kooxo Burcad badeed Soomaali ah ayaa afduubtay Markab kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Spain, watayna calanka dalka Kenya, waxaana magaca markabkaasi lagu sheegay FV Sakoba. Markabka la afduubtay shaqaalaha saaran ayaa 10 ka mid ah waxay u dhasheen dalka Kenya, midna waxa uu u dhashay Spain, labana waxay u dhasheen dalka Nabiibiya, midna waxa uu u dhashay Portugal, saddexna waxay u dhaseen dalka Senigaal.

Ciidamada la dagaalama burcad badeeda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in Markabkaasi uu haatan ku sii wajahan yahay goobaha ay kooxahai burcad badeedu la aadaan Maraakiibta ay afduubtaan, gaar ahaan dhinaca degmada Xarardheere oo ah saldhiga ugu weyn burcad badeeddu.

Dhanka kale ciidamada Midowga Yurub ayaa kordhiyay dadaalkooda ay ku carqaladeynayaan howlaha burcad badeeda, waxayna sheegeen in tan iyo maalintii Jimcaha ahayd ee la soo dhaafnay ay qabteen burcad badeed gaaraysa ilaa 40- ayna soo badbaadiyeen labo Markab oo nooca waaweyn ah oo ay burcad badeeddu horay u qabsadeen.

Leave a comment