axadle728x40

Home » Wararka » Faah faahin dheer oo ku saabsan dagaalo iyo duqeymo qasaare kala duwan ka dhashay oo saakay Waqooyiga Muqdisho.

Faah faahin dheer oo ku saabsan dagaalo iyo duqeymo qasaare kala duwan ka dhashay oo saakay Waqooyiga Muqdisho.

Xarakada Al-shabaab iyo Dowladda KMG oo saakay ku dagaalamay qeybo ka mid ah Waqooyiga Magaalada Muqdisho waxay faah faahin dheer ka bixiyeen dagaaladaasi oo dhinacba dhinaca kale ka sheegtay guulo waawayn.
C/risaaq Qeylow oo u qaabilsan Dhanka Warfaafinta Wasaarada Warfaafinta Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen dagaaladii saakay Ciidamada Dowladda KMG iyo Xarakada Al-shabaab ku dhex maray Degmada C/casiis iyo Shibis ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ayaa sheegay dhanka dowladda KMG in ay uga geeriyoodeen laba Askari ugana dhaawacmeen askar kale, hase yeeshee dagaalada ku gacan sareeyeen sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale dagaaladii saakay waxaa faah faahin ka bixiyey Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo sheegay in ay guulo ka gaareen dagaaladasi goobo badana kala wareegeen Ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya.

Sidoo kale Cali dheere ayaa sheegay duulaanka dowladda KMG u qorsheysan in ay u diyaariyeen cidamadii ka hortagi lahaa, isla markaana wacad ku maray dagaalada dowladda KMG iyo AMISOM kula jiraan in ay laba laabi doonaan.

Haddaladan labada dhinac ayaa ku soo beegmaya xili saakay dagaalo kulul Waqooyiga Muqdisho ku dhex mareen Ciidamada Dowladda KMG iyo Xarakada Al-shabaab.

Leave a comment