Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay inaysan la ahayn isaga in ciidamo Mareykan ah oo ka socda dowladda Mareykanku ay gudaha u gelayaan dalka Soomaaliya, iyagoo ka garab dagalamaya kuwa dowladda KMG Soomaaliya.
Prof. Samtar waxa uu sheegay inay dhici kato inay dhinaca cirka ka taageeraan dowladda KMG Soomaaliya ciidamada Mareykanku, taasina uma arko inay xal keeni karto, waayo ayuu yiri dagaal ka dhaca magaalada Muqdisho waxa uu sii burburinayaa oo kaliya inta ka harsan magaalada oo sida muuqata marba xaafad la isku qabsan doono.
Cabdi Ismaaciil Samatar waxa kale oo uu sheegay inay dhici karto in kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG laga saaro magaalada Muqdisho, laakiin taasi wax nabad ah ma keeni doonto, Mareykankuna diyaar uma ah sida aan ogsoonahay in dalka Soomaaliya oo dhan ay ciidamadisu galaan amaba ay ka dagaalamaan, waayo ayuu yiri Obama waa uu diiday inuu ciidamo u diro Soomaaliya.
Dowladda KMG Soomaaliya ma laha siyaasad cad iyo iskutashi, waxayna rabtaa inay ku tiirsanaato dowladaha reer galbeedka, waxay markaasi noqonaysaa mid sanka ka duran oo wixii la rabo lagu fushado, xitaa Mareykanka qudhiisu ma doonayo in dowladdani sii shaqeyso ayuu yiri Cabdi Ismaaciil Samar.
“Ma jiro Mas’uul ka tirsan dowladda Mareykanka oo ku qanacsan siyaasadda dowladda KMG, sida ay ii sheegeen mas’uuliyiin sarsare oo Mareykan ah” ayuu yiri Cabdi Ismaaciil Samatar.
Haddalka Prof: Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku soo beegmaya xili dowladda Maraykanka ay shaacisay duulaanka Dowladda KMG in ay uga qeyb qaadanayso dhanka Diyaaradaha dagaalka.


