Dagaaladan oo ka dhaceen meelo badan oo ka mid ah Caasimada Magaalada Muqdisho ayaa waxay si isku mar ah mar qura uga shanqareen Degmooyinka Gobolka Banaadir madaafiicda waa wayn iyo hubka kale ee sida…
Dhanka kale dagaal kale ayaa isla saacadaasi xalay ka qarxay Warshadii hore Kabka, Kulliyada Jaalle Siyaad iyo Xerada Asluubta halkaasi oo fariisimo ku leeyihiin Ciidamada Dowladda KMG iyo Ciidamada AMISOM.
Madaafiic badan ayay is dhaafsadeen garabyadaasi, waxaana dhowr madfac ku dhaceen Xaafado ka mid ah Deyniile, waxaana ku dhintay dagaalkasi hal qof halka dhaawac uu soo gaaray Saddex qofood.
Marka la isku daro tirada dhimashada dagaalada xalay ka dhacay Muqdisho waxay gaarayaan laba qof, halka isku darka dhaawacyada ay yihiin Todobo qofood.
Goobaha caafimaadka ayaa la geeyey dhaawacyadii xalay ka dhacay dagaaladii ka dhacay caasimada Magaalada Muqdisho, dagaaladaasi oo u muuqday kuwo qorsheysnaa oo ay xoogaga islaamiyiinta ku soo qaadeen Ciidamada cusub Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo maalamahan dhaqdhaqaaqyo Ciidan ka wada qeybo ka mid ah Muqdisho.


