axadle728x40

Home » Wararka » Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda KMG oo dib uga baxay degmada Ceelbarde oo Gobolka Bakool.

Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda KMG oo dib uga baxay degmada Ceelbarde oo Gobolka Bakool.

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya Degmadaasi dib uga baxeen Ciidamada itoobiya iyo kuwa Dowladda KMG oo ku sugnaayeen halkaasi.

Dad goob joogayaal ah ayaa shabakada Gobolada.com u xaqiijiyeen dib uga bixitaanka Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG Degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya Ciidamada itoobiyaanka sii daayeen dad rayid ah oo ay ka qabqabteen Degmada Ceelbarde intii ay ku sugnaayeen.

Dowladda KMG kama hadlin dib uga gurashada Degmada Ceelbarde uga baxeen, sidoo kale Ciidamo taabacsan Xarakada Al-shabaab ayaa u dhaqaaqya Dhanka Degmada Ceelbarde, xili Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG ka baxeen halkaasi.

Dadka ku nool Degmada ceelbarde iyo deegaanada kale oo shalay iyo saakay ka barakacayeen degmadaasi ayaa hakiyey barakacooda, kadib markii ay dhaayaha saareen ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda KMG oo u dhaqaaqey dhanka Degmada Yeed ee Gobolka Bakool.

Leave a comment