Xeradii hore Guulwadayaasha ee Magaalada Muqdisho ayaa maantay Xarakada Al-shabaab ku soo bandhigeen Sarkaal ka soo goostay Ciidamada Dowladda KMG dhawaan tababarka ku soo qaatay magaalada Jabuuti ee..
Sarkaalkan ayaa magaciisa ku sheegay Baashi Axmed Urur isla markaana la hadlay saxaafada ayaa tilmaamay in uu ka mid ahaa Ciidamada Dowladda KMG dhawaan tababarka ugu soo xirtay Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti, ayna jiraan askar kale oo qorsheynayaan in ay ku soo biiraan dhanka Xarakada Al-shabaab.
Sheekh Cali Maxamuud Raage {Cali Dheere} Afhayeenka Xarakada Al-shabaab oo ka hadlay munaasabada soo bandhigida hubkaasi iyo Askarta ka soo goosatay Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo dhaweeyeen Ciidamadasi oo qaar ka mid ah sida uu sheegay ka soo jeesatay safka dagaal dhankooda.
Afhayeenka ayaa sidoo kale baaq u diray Askarta kale ee dhanka dowladda KMG jirta isagoona ugu baaqay in ay mujaahidiinta dhankooda u soo leexdaan, kana soo tagaan Dowladda KMG iyo Ciidamada shisheeye.
Dowladda KMG ee Soomaaliya kama hadlin sheegashada Xarakada Al-shabaab ee ah in ay ku soo biireen Ciidamo, Sarkaal iyo hub fara badan oo dhanka Dowladda KMG ka soo gaaray.


