Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka Soomaaliya iyo madax dowladda KMG ah ayaa maanta kormeer ku tagay gurigii hore ee golaha Shacabka oo dhismo dayactir ah lagu wado.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxa uu booqday qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahayxaruntii hore ee Gurigii Umadda, wuxuuna warbixin ka dhegeestay gudiga wada hawlahaan dib u dayactirka, gaar ahaan qaybha haatan howsha lagu billaabay.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa markii uu soo gebagebeeyay booqashadiisa ayuu shir jiraa’id oo uu qabtay ku sheegay in raja wanaagsan uu ka qabo suurta galnimada in todobaadyada soo socda uu si rasmi ah ugu qabsoomo kalfadhiyada ay yeelanayaan xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in ay dardar gelinayaan dayactirka lagu hayo dhismaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Dowladda ay xoogga saarayso dardar gelinta howlahaan dib loogu hagaajinayo Guriga Ummadda.
“Beesha Caalamka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay gacan ka gaystaan dib u dayactirka guriga ummdda Soomaaliyeed,si howlaha Baarlamaanku ay u noqdaan kuwa u socda sidii loogu talagalay” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay ka muuqatay farxad ah howlaha dayactirka Gurigaasi.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mahad celiyay gudiga iyo dadka ku howlay howlaha lagu dayactirayo gurigii hore ee golaha Shacabka Soomaaliyeed.


