axadle728x40

Home » Wararka » Taliska Ciidamada Booliska oo sheegay howlgalo Saakay ciidamada Dowladda KMG ka sameeyeen Wadada Maka Al-Mukarama.

Taliska Ciidamada Booliska oo sheegay howlgalo Saakay ciidamada Dowladda KMG ka sameeyeen Wadada Maka Al-Mukarama.

Afhayeenka Ciidamada Booliska dowladda KMG ee Soomaaliya C/laahi Xasan Bariise oo ka hadlayay howlgalo saakay iyo shalay ciidamada dowladda KMG ka wadaan Wadada Maka Al-Mukarama ayaa sheegay in ay ku soo qabteen hub iyo dadkii watay hubkaasi.

C/laahi Xasan Bariise ayaa sheegay Ciidamada Dowladda KMG in ay saakay ku guuleysteen qabashada gaari ay ku jireen hub iyo waxyaabaha qaraxa dhaliya, gaarigaasi iyo dadkii la socdayna gacanta ku dhigeen.

“Baaritaanada saakay waxay daba socdaan baaritaano shalay Ciidamadu wadeen, alle mahadii saakay waxaan qabanay Gaari Yar oo Hub iyo Waxyaabaha qarxa sida, waana xirnay gaarigaasi iyo dadkii saarnaa, Maxkamad ayaana soo taagi doonaa dadkaasi” ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Booliska Dowladda KMG ee Soomaaliya C/laahi Xasan Bariise.

Ma ahan markii ugu horaysay Ciidamada Dowladda KMG howlgalo ka sameeyaan wadada maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Leave a comment