axadle728x40

Home » Wararka » Dagaalo ka dhacay Muqdisho iyo Dadkii ugu danbeeyey oo ka barakacaya Xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dagaalo ka dhacay Muqdisho iyo Dadkii ugu danbeeyey oo ka barakacaya Xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wararka naga soo Gaaraya Caasimada Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalo socday saacado kooban ka dhaceen Wadada Dabka ee Magaalada Muqdisho, kadib markii xoogaga hubaysan weerar ku qaadeen fariisimo Ciidamada Dowladda KMG ku leeyihiin wadadaasi.

Dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda labada dhinac ayaa cabsi gelisay boqolaal qoysas ah oo mooday in ay bilaabatay dagaalada qof walba oo ku nool Muqdisho maanka ku hayay.

Inta la ogyahay dagaalkaasi oo dhacay gabal dhicii shalay ayaa waxaa ku dhaawacmay Sadex qof oo rayid ah, sidoo kale waxaa jira qasaare kala gaaray dhinacyada dagaalamayay laakiin lama oga inta ay la egyihiin.

Dhanka kale dadkii ugu danbeeyey ayaa barakac waxay ka wadaan qeybo badan oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, kadib Dhiilo Colaadeed oo ka taagan Magaalada Muqdisho.

Dadkan ayaa waxay sheegeen in ay cabsi iyo wal wal ka qabaan haddii dagaalo dhex maraan hugunka ciidan labada dhinac saamayn ku yeelato dadka shacabka ah, waxaana shalay iyo maantay barakac aan xad lahayn ka socdaa Caasimada Magaalada Muqdisho oo qarka u saaran in ay ka bilowdaan dagaalo culus oo dhex mara Xoogaga hubaysan iyo Ciidamada Dowladda KMG oo kaashanayaan Ciidamada Midowga Afrika ee Muqdisho.

Leave a comment