Ciidamo itoobiyaan ah iyo kuwa ka tirsan dowlada KMg ah oo ay horkacayaan saraakiilka tirsan dowlada KMG ah ayaa amanta waxa ay soo gaareen qeybo ka mid ah gobalka Bakool.
C/fitaax ibrahim geeseey oo ah gudoomiyihii maamulka Gobalka Bay iyo Bakool ayaa manta saxafada lahadalay isago ku sugan Gobalka bakool xili ay lasocdeen Ciidamo itoobiyaan ah .
Degmada Ceelbarde ayaa la hubaa in ciidamada itoobiya ay salka soo dhigteen iyagoo wata gaadid dagaal iyo hu iyuo ciidamo farabadan waxana socdaalkasi ku wehliya ciidamo ka tirsan dowlada KMG ah.
Cidamadaaasi isgu jira itoobiyaanka iyo somalida ayaa bilaabay durbadiiba qab qabshada dhalinyaro soomaaliyeed oo ku sugana gobalka bakool gaar ahaan degmadiis Ceelbarde halkaas oo ay jogaan manta.


