Kadib shir jaraa’id uu barqanimadii maanta ku qabtay Caasimada Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Maxamad Siyaad {Indha Cadde} Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa kaga hadlay dabkii Qasaaraha ka dhashay ee Habeenimadii Isniinta la soo dhaafay ka holcay Suuqa Bakaaraha Qeybta Shidaalka.
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamad Siyaad {Indha Cadde} ayaa ku eedeeyey dabkaasi qasaaraha ka dhashay in ay ka danbeeyeen Xarakada al-shabaab sida uu yiri.
Sheekh Yuusuf {Indha Cadde} ayaa xusay dabkaasi qaab is maandhaaf ah in uu ku dhacay, sida uu shegay saraakiil ka tirsan Xarakada al-shabaab oo qeyb ka mid ah dhismaha gubtay lahaayeen muran soo kala dhex galay kadibna si iskood ah oo kas ah u gubeen Shidaalkaasi ayuu ku sheegay shirkiisa jaraa’id Indha Cadde.
Haddalkan ka soo yeeray Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa ku soo beegmaya xili habeenimadii Isniinta la soo dhaafay dab ka kacay Suuqa Bakaaraha ku bas beeleen hanti fara badan, dabkaasi oo lagu eedeeyey Dowladda kMG iyo AMISOM oo isku dhinac ah ayaa meesha ka saaray eedeyntaasi.


