Wasiirka Lacagta Dowladda KMG ee Soomaaliya Ing: C/raxman Yariisow oo saxaafada kula hadlay Caasimada Magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyey qaabka lacagaha cusub Dowladda KMG u qorsheysan in ay soo saarto u eg tahay iyo suuragalnimada hirgelinta lacagahaasi.
Wasiirka Lacagta Dowladda KMG ee soomaaliya ayaa sheegay dowladda KMG in ay waqti badan ku taamaysay samaynta lacago cusub si loo helo lacago badali kara Kunka shilin oo noqday lacagta kaliya oo ay isticmaalaan shacabka soomaaliyeed taasoo gabaabsi noqotay, isla markaana aanan lahayn wax sarifaad ah.
“Dowladdu in bada ayay daraasaad ku samaynaysay sidii loo soo saari lahaa lacago cusub oo tayo leh lacagahaasina waxay ka koobnaan doonaan Kun Shilin, Shankun, Toban kun iyo Konton kon oo isku dhagan..” ayuu yiri wasiirka Lacagta dowladda KMG oo shegay haddii la dhaqan geliyo lacagtaasi dalka oo dhana lagu baahiyo shacabka helayaan qaab ay ku kala sariftaan lacagahooda, xiliyada ay iibsanayaan maciishada caadiga ah.
Wasiirka ayaa ku macneeyey qorshaha lacagahan isku dhagan loo samaynayo in ay tahay sidi shacabka Soomaaliyeed uga kaaftomi lahaayeen in ay lacago badan baco iyo jawaano ku qaataan, tana ay ka saamaxayso qadashada lacagaha badan.
Sidoo kale Wasiirka lacagta Dowlada KMG ee soomaaliya Inj Yariisow ayaa sheegay in dowladda KMG ka hor inta aysan dalka soo gelin lacagahaasi looga fadhiyo sidii ay u sugi lahayd amaanka guud dalka Soomaaliya dadkana lacagahaasi u socodsiin lahaayeen.



Arrinkan cusub ee lacag samaynta ahi waa kud ka guur ee qanjo u guur. Kol haddii ay Dowladu isku xilqaantay inay lacag cusub kusoo kordhiso, waxaa laga rabay inay ahaato lacataasi mid aad u tayo badan kana kooban jajab lacageedka ugu hooseya sida .50 sh. 1 sh. 2 sh. 5 sh. 10 sh….iwm. cadadka tiro ahaan ugu sareeyana uu noqdo 100 sh.
Qaabkan uu wasiirku ka dhawaajiyay ee ah in lacagta 5,000 iyo 50,000 ahaan la iskugu dhajinayo, marnaba ma qabo inay qiima wacan u yeelayso lacagta Somaliyeed inay sii qiima disho moyee!