Wararka naga soo gaaraya Caasimada Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya barqanimadii maantay in Caasimada Magaalada Muqdisho dib ugu laabtay Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Wafdiga madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya waxa uu ka so duulay Magaalada neyroobi oo maalmahan u jogay xasilinta qilaafaadka ka dhex taagnaa guddoonka Baarlamanka oo is qab qabsi buuq badan ka dhashay hareeyey Mudanayaasha Baarlamanka.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale intii uu joogay Neyroobi waxa uu kullamo la qaatay Wasiirka Arrimaha dibada Dalka Talyaaniga, Madaxweynaha Dalka Kenya, Xildhibaano iyo madax kale oo socotay Beesha caalamka, kuwaas oo intooda badan ka helay balan qaadyo kala duwan.
Amaanka madaxweynaha waxaa si aad ah u adkeeyeen Ciidamada AMISOM oo xireen wadooyinka garoonka iyo xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.



[...] Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Caasimada Magaalada Muqdisho … Possibly related posts: (automatically generated)WALAD CABDALA OO SOCDAAL QARSOODI AH KU YIMI MUQDISHO MAANTA SAACADO YARNA … [...]