axadle728x40

Home » Wararka » Ururka Xizbul Islaam oo ka warbixiyey dagaaladii ka dhacay Balad-weyne iyo eedeyn ay u jeediyeen Dowladda KMG. “Shir Jaraa’id”

Ururka Xizbul Islaam oo ka warbixiyey dagaaladii ka dhacay Balad-weyne iyo eedeyn ay u jeediyeen Dowladda KMG. “Shir Jaraa’id”

xisbul_islaam_logoXoghayaha Ururka xizbul Islaam Sheekh Maxamad Macalin Cali oo maantay Shir jaraa’id saxaafada Muqdisho u qabtay ayaa ka warbixiyey dagaaladii ka dhacay Magaalada Balad-weyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Sheekh Maxamad Macalin Cali ayaa sheegay dagaaladaasi in ay ahaayeen kuwo lagu soo gardarooday maamulkooda sida uu sheegay dhinacyada weerarka ku soo qaadayna iska difaaceen.

Hay’adaha Samafalka iyo Qeybaha kala duwan Bulshada Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay gar gaar siiyaan dadka rayidka ah ee dhibaatooyinka ka soo gaartay intii ay socdeen dagaalada.

Xog-hayaha Ururka xizbul Islaam Sheekh Maxamad Macalin Cali ayaa ku eedeeyey dowladda KMG ee Soomaaliya in ay wado qorshe lacago cusub oo shilin soomaali ah ugu soo daabacayso Dalka, lacagtasina uu sheegay in ay dhibaato u keenayso shacabka danyarta ah.

“Sicirka Suuqyada hadda ayuu jogaa herkii ugu sareeyey maxaa laga dhaxli karaa haddii lacago Shilin soomaali fara badan inta la iska soo daabacdo dalka la keeno…way iska cadahay In sicirka kordhinayo shacabkana dhibaato kala kulmayaan arrintaasi” ayuu yiri xog-hayaha Warfaafinta Ururka xizbul Islaam sheekh Maxamad Macalin Cali.

Haddalkan ayaa ku soo begmaya xili dowladaha Soomaaliya iyo suudaan ku heshiiyeen in lacago shilin Soomaali culub loo daabaco dowladda KMG ee Soomaaliya, xiisadaha balad-weynaha wali halkoodii yihiin.

1 Response to " Ururka Xizbul Islaam oo ka warbixiyey dagaaladii ka dhacay Balad-weyne iyo eedeyn ay u jeediyeen Dowladda KMG. “Shir Jaraa’id” "

  1. Axmed saciid says:

    Cudur Qabyaalad & Camiil Is-muujiyey: Shirqoolkii Nairobi ka socdey oo fashilmay iyo Jinni Boqor oo Af labadi yeeray,(Warbixin Xaasaasi ah).

    (14-01-2010)Waxaa si buuxda u fashilmay Shirqool hadafkiisu ahaa in lagu mijaxaabiyo dowladda Sheekh Shariif oo bilihii la soo dhaafay ka socdey magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, Shirqoolkaasi oo ay heshiis ku ahaayeen koox daneystayaal ah oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban qaar dantooda khaaska ah ugu jirey iyo kuwo xeelad qabyaaladeed u galay.

    Booqashadii Madaxweyne Shariif uu shalay ku tegey Nairobi ayaa waxaa ay sabab u noqotay in ay kala daataan Iimaan laawayaasha Adeeggii Bulshada gabay ee Qabyaaladda iyo fadhi ku dirirka Islii u fadhiistay, kuna faqay in ay kala furfuraan dowladda la daalaa dhacaysa dib u yegleelidda Qarankii Soomaaliyeed ee ay qowleysatadu qarka ka tuurtay.

    Xildhibaano gaaraya 114 mooryaan qarameed ku sifoobey oo ka haray maamulkii tala-xumayaal ee uu hojoogaha ka ahaa Cabdulahi Yusufkii la eryey ee Yemen u dalaabay, ayaa shalay ku kala tegey shirqoolkii ay hore ugu heshiiyeen oo ahaa in ay dumiyaan dowladda, si ay fursad uga helaan wixii kale ee yamaada, Muqdishona ay ahaato goob ay dhibaatadu dul hognaato.

    Ku dhowaad 70-meeyo Xildhibaan oo aad uga khal-khalay go,aankii ay wada gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo ahaa, in Xildhibaanada jooga Nairobi dhamaantood loo soo tarxiilo Muqdisho ciddii diiddana xabsiga la dhigo, ayaa ka noqday go,aankii Mijaxaabinta dowladda waxaana kulan Nairobi ka dhacay shalay ay ku sheegeen in ay ka tanaasuleen falalkii fidnada ee ay faraha kula jireen.

    Kontomeeyo Xildhibaan oo u badan kuwa Puntland kaga jira baarlamaanka Fidaraaliga ah, ayaa xaalkii ku xumaaday kadib markii ay xildhibaanadii kale uga baxeen Shirqoolkii, waxaa ayna soo adeegsadeen inuu u hadlo Cabdi Cabdule Jinni Boqor oo weligii iska dhigi jirey shaqsi wadani ah, balse Midabkiisii runta ahaa la soo baxay shalay.

    Jinni Boqor wuxuu Telefon u dirsaday Idaacad laga leeyahay Puntland, wuxuuna ka sheegay erayo isugu Jira Qabyaalad qayaxan, Cay iyo Aflagaaddo uu u geystey Xubnaha ugu sareeya dowladda Gaarahaan Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyadda, iyo eedeyn iyo been-abuur uu ka sameeyey Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan.

    Wuxuu ku eedeeyey Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aden inuu ka dambeeyey Qaraxii dhowr sano kahor magaalada Beydhano lagula beegsaday Cabdulahi Yusuf, wuxuu ku eedeeyey inuu Shariif Xasan uu ka dambeeyey Qaraxii Hoteel Shaamo ee lagu Diley Prf. Caddow, Xubnihii Wasiirrada iyo Ardaydii iyo Dhakhaatiirtii Jaamacadda.

    Wuxuu ku taliyey in baarlamaanka iyo Guddoonkiisaba ay sii joogaan, dowladdu ay sii jirto, balse uu Madaxweynuhu Boorsadiisa Xir-xirto oo uu degmada Cadale iska xaadiriyo.

    Wuxuu Reer Puntland ugu baaqay kuna cel-celiyey in ay diidaan Lacagta Cusub ee ay dowladda Fideralka ahi soo wado, isagoo sheegay in Lacagtaasi ay tahay mid lagu duminayo Jiritaanka Puntland, hantidoodana lagu dhacayo, sida uu guubaabada u dhigay.

    Wuxuu sheegay inuu isagu yahay nin Puntlander ah oo laga yaabo inuu dib ugu soo laabto gobolka uu ka soo jeedo ee Bari, isagoo sidoo kale si sarbeeb ah ugu sheegay in dadka Koonfurta ku nool ay yihiin Xaasid iyo cadowga reer Puntland.

    Wuxuu Ammaanay kooxaha dowladda ka soo horjeeda ee Alshabab iyo Xibsul Islam uuna ugu baaqay in ay soo saaraan fadwooyin ay shacabka uga digayaan in la qaato lacagta Sh.Soomaliga ah ee ay dowladdu soo waddo, wuxuuna ku sifeeyey labada urur-diimeed “Culimadii Soomaaliyeed”.

    Mr. Jinni boqor kama aanu xishoon inuu soo bandhigo cadowtooyada iyo qaa`inul-waddaninimada ka buuxa calooshiisa iyo in badan oo uu siyaasiga koowaad u yahay.

    Dowladda Madaxweyne Shariif ayaa looga fadhiyaa in shaqsiyaadkaan ku sifoobey Qiyaano Qaran, Qabyaalad Qayaxan, Iska horkeenid shacab, been-abuur iyo eedeyn Madax qaran, ay tallaabada ku haboon ka qaadaan, si shartooda sheydaanku u dhuray looga badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed ee xalaasha ah.

    Dalkanews.com Muqdisho

Leave a comment