axadle728x40

Home » Wararka » Munaasabad loogu Baroordiiqayo qaraxii hotel shaamow oo ka Dhacday Magaalada Hyderabad ee Dalkan India +Sawiro)

Munaasabad loogu Baroordiiqayo qaraxii hotel shaamow oo ka Dhacday Magaalada Hyderabad ee Dalkan India +Sawiro)

1Munaasabad Baroordiiq ahayd oo  loogu alla baryayay Ardaydii, waalidiintii, Madaxdii , Dhaqaatiirtii iyo Culumadii 3dii Bishan lagu qarixyay Hotelka Shamow ee Magaalada Mogadisho ayaa habeenimadii xalay ahayd ka dhacday Hotelka Mandar ee Magaalada Hyderabad ee dalkan India.

Munaasabaddaas oo ahayd mid aad loo soo agaasimay ayaa ku bilaabatay jawi murugeed ayadoo ay kasoo qayb galeen Arday, waalidiin, Culumo, Dhaqaatiir, iyo marti shaaf kaloo fara badan oo kakala yimid Dhamaan Gobolada Dalka India.
2
Munaasabadan Baroordiiqda ahayd ayaa Waxaa Qabanqaabadeeda iska lahaa soona agaasimay Ururka Somali Students Association { S.S.A} ee Dalkan India.
Munaasabaddaas oo ay ka hadleen Culumo, Dhaqaatiir iyo Arday ayaa waxaa ugu horayntii ka Hadlay Sh. Tahliin Mohammud Hassan oo ku dheeraday Waxa ay diinta Islaamka ah ka qabto Dilalka shaqsiyaadka aanan waxba galabsan. 
Sh Tahliil Mohammud Hassan oo Wacdigii Diiniga ahaa ee uu halkaasi kasoo jeediyay qiiro galiyay Dadwaynihii ka soo qaybgalay ayaa ka hadlay Diinta Islaamka ah waxa ay  ka tiri Isqarxinta iyo dilkii Arday daalibul Cilmi wada ahaa asagoo dhamaan shacabka soomaliyeed u sheegay waxa ka socdo Somalia ay tahay Cuqubo allaah laga galay ayna tahay wax ay gacmaheeda ku keensatay umadda Soomaliyeed.
3
Mas’uuliyiintii kale ee Halkaasi ka hadashay waxaa ka mid ahaa Gudmoomiyaha Ururka Somali Students Association Mr. Faysal Mohamed Mataan oo asagana hadaladiisii ka mid ahaa ” Waa nasiib Xumo iyo Xaalad murugeed oo usoo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed waayo Arday waa furaha wadan hormarkiis ayuu ku nuuxnuuxsaday Gudoomiye Faysal Mohamed Mataan.
Waxa uuna ugu danbayn hadalkiiisii kusoo gabagabeeyay oo uu yiri ” Iftiinka wadan kaste iyo hormarkiisa waa Ardayda sidaas daraateed waa inaan Gacmaha Is qabsanaa kanna hor istaagnaa dhacdo la mid ah tii 3dii Bishan lagu qarxiyay Ardayda.
4
Kuma eka Mas’uuliyiintii Halkaasi ka hadashay Arday iyo culumo kaliya sidoo kale waxaa ka hadlay  Dr. Mohammud Mayye oo ka mid ah Macalimintii jaamacadda Banaadir University Qaybteeda Cudurada Indhaha ee loo yaqaano { Department Ophthalmology } oo ka warbixiyay taariikhda Jaamacadda iyo shaqsiyad ahaaneedkii Prof. Ibraahim Hassan Addow iyo mas’uuliyiintii kale  kaalintii ay kulahaayeen  Bulshada.
Dr. Mohamud Maye Ayaa asagana Hadalkiisii kusoo gabagabeeyay In ay Ardayda Soomaaliyeed ay gacmaha is qabsadaan kana Dhiidhiyaan Dhacdooyinkaan oo kale inaysan mardanbe ka dhicin Gudaha wadanka Soomaliya, asagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri waad aragteen Ardayeey Dhaqaatiirtii udubdhexaadka u ahaa jaamacadda iyo dhamaan bulsho waynta soomaliyeed in la dilay waa in aad noqotaan kuwo buuxin kara booska Dhaqaatiirtii aysana idinku noqon dhaawac idinku kalifa inaad joojisaan howlahiina waxbarasho.
Sidoo kale safiiradda Dowladda Somaliya u fadhisa Dalkan India Mrs. Ebyan ladane Saalax ayaa qadka taleefanka kaga qaybqaadatay Xafladii Baroordiiqda ahayd ee Ardaydii lagu qarxiyay Hotelka Shaamow ee Magaalada Mogadisho.
Mrs Ebyan ladane Saalax ayaa waxaa Hadaladeeda ka mid ahaa “ Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Hyderabad, markii isugu kaaya danbeysay oo aan munaasabad kawada qayb galo waxay ahayd munaasabaddii aynu sida farxadda leh idiin kala qayb galay xuskii sannad guuradii 49 ee ka soo wareegatey kolkaanu xorriyadda qaadaney July 1, iyo isu taggii.  
 Safiiradda oo hadalkeeda sii wadato ayaa tiri “ Caawase waxaan idinlana qaybsanayaan murugu tiiraanyo leh oo ku wajahan dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacdey hotel shaamow, Mogadishu bishii December 3, 2009, taasoo ahayd qarax lala beegsadey ardeydii Soomaaliyeed ee qalanjabineysay iyo masuuliyiintii, hooyooyinkii, dhalinyaradii iyo dadweynihii guud ahaan ka soo qayb galay xafladdii qalanjabinta. 
Mrs.Ebyan ladane Saalax ayaa Ayadoo ka hadlaysa Fanaantii Soomaliyeed waxa ay ka dhaheen Dhacdadaasi  markale tiri “  Dhacdadaas foosha xun waxay i soo xasuusisay gabay adeerkay Danjire Jaamac Dirir tiriyey kal hore, isagoo ka hadlayey xaaladda Soomalia mareyso. Waxaa ku jirey tix yar oo aad u qiimo badan oo uu oranayo “Caqligoo laga faqiiraa ka daran cuudka kaa luma eh”. Waxaan oran karaa, wixii ka dhacay Hotel Shamow waxay ahayd kutalo gal loogu talo galay in caqliga ummadda Soomaaliyeed laga faqiiriyo. Allase kama dhigin. 
 Waxaa kaloo dhacdadaas cabirey fannaan Abdi shire Jaamac Jookhle, una tiriyey heesta uu ugu magac darey ” Qaylo Dhaan” una tiriyey Dhacdadii shamow. Waxaana ka mid ah erayadiisa oo aad kuu damqaya “Qasaaraha na gaarey waa middaan Qiila loo hayne” “Qiil danbe ma harin iyo diinta oo lagu qaraabtaaye”
Safiiradda Dowladda Somaliya u fadhisa Wadankan India ayaa Mrs. Ebyan ladane Saalax ayadoo la dardaarmaysa Shacabka Soomaaliyeed markale tiri “ Waxaanse rajaynayaan in dhacdadaas iyo kuwii ka horeeyey ee sida isdaba jooga ah uga dhacayey waddanka, haddana wali uga socda oo dhan inaan la dhayalsan, oo Ummadda Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan u noqoto mid indhaha u furto, caliga u soo celisa, naguna hogaamisa is faham guud oo dhexdeena ah, noona horseeda nabad, si waddanka horumar u gaaro, ummadeenana aynu u badbaadsano.
Mrs. Ebyan ladane Saalax ayaa ka  Sheekaysay taariikhdii  ay ka xasuusato allaha u naxariistee Dr. Qamar ayaa waxaa markale hadalkeeda u dhigna sidatan “ Waxaan rabaa inaan idinla qaybsado, inta aanan soo gunaanadin hadalkeyga, ka dumar ahaan xasuus farxad ii leh markaan xasuusto Drs. Qamar, iyadana farxad u ahayd. Febraury 2006 waxaa Drs. Qamar oo mataleysa Parlamaanka Somaliyeed, iyo Mrs.Amina Mursal oo markaa ahayd Wasiiradda Dumarka, Qoyska iyo Horumarka, iyo anigoo matalayey Xafiiska Raiisul Wasaaraha aynu kawada qayb galay shir caalami ah oo ka dhacayey Paris, France. Shirkaas oo looga hadlayey sidii loo joojin lahaa caruurta da’doodu ka yar tahay 18 sanadood ee ka mid noqda askarta, maleeshiyaadka iyo militariga iwm. Drs. Qamar iyadaa noo qaabilsaneyd saxaafadda marka lala hadlayo iyadoo ku hadlaysey magaca Somaliyeed. Hadaba, Intii aynu halkaa joogney baa naloo soo sheegay in markii ugu horeysay Drs. Qamar Aden loo magacaabey Wasiiradda Caafimaadka ee dawladda Federalka ku meel gaarka ah. Waxay ahayd maalin farxad noo lahayd ka dumar ahaan. Qamar waxay ahayd qof mutacalimad ah, wax garad

> ah,masuul ah, hooyo fiican, waqtigeeda qaaliga ahna u hurtay inay waddanka u shaqayso. Khatarta waddanka ka jirtana ogeyd una babac dhigtey. Waxaan oran karaa waxay ahayd waddaniyad Somaliyeed. Ilaahayna raxmaddi janno ha siiyo. Intii kaloo raacdeyna allaha u naxariisto, inta dhaawaca ahna allaha caafiyo.

Ugu danbayntii ayay hadalkeeda kuso gunaanaday Mrs. Ebyan ladane Saalax “ Walaalayaal, hadal badan inaan halkaan ka iraahdo uguma talo galin, maadaama ay baroor diiq tahay isu imaatinkeena, waxaanse ku soo gunaanadayaa mahadi ha idinka soo gaarto kulankan aad caawa isugu timaadeen, Ururka dhalinyarada Jaamacadda oo soo qaban qaabiyey, mudanayaasha, marwooyika, dhalinyarada ka soo qayb gashey intaba waxaan idin leeyahay mar labaad mahadsanidin. Ummaddii qaybsataa farxad iyo murugo uun baa ah ummad jirta, ilaahay hanoo adkeeyo jiritaankeena. Walaalayaal, aanu ducaysno, oo alle barino,oo isu caqli celino oo dalkeena badbaadsano si aysan ummadeena loo dabargo’in.
5
gabagabadii Xafladaas ayaa ka Hadlay Mr. Shaafici Nuure Calas oo asagu si qoto dheer uga sheekeeyay Isbadalka Dhalinyarada ay ku leeyihiin hormarinta iyo wax ka badalka xaaldda dalka uu maantay marayo.
Mr. Shaafici Nuure Calas ayaa Qabsaday dhamaan dhagaha kasoo qaybgalayaasha gaar ahaan Ardaydii goobjooga u ahayd Munaasabadaas Baroordiiqda ahayd ka gadaale markii uu ku dheeraday xaaladaha kala duwan ee Ardayda Soomaaliyeed ay maantay ku suganyihiin iyo sida ugu haboon ee isbadal loogu sameen karo iyo waxyaabaha la gudboon arday kaste inuu ka tusaale qaato heerka uu wadanku marayo maantay iyo dhacdadii foosha xumeed ee lagu qarxiyay Ardaydii qalin jabinaysay ee Hotelka Shaamoow ee Magaalada Mogadisho.
Gabagabadii Munaasabadan ayaa mahad celin balaaran loo jeediyay ururka Somali Students Association { S.S.A.} oo ayagu soo qabanqaabiyay Munaasabadan loogu alla baryayay Dhamaan Ardaydii,Waalidiintii, Mas’uuliyiintii, Culumadii iyo Dhaqaatiirtii ku Geriyootay Qaraxiii 3-dii bishan ka dhacay Hotelka Shamow ee Magaaalada Mogadisho, Intii kaloo ku dhaawacatana uu alle caafimaad degdeg ah siiyo.
najiib

By: Najiib Adbirizak Warsame { Najiib Yare }
Magaalada Hyderabad ee Dalka India.
Tell: 00919618398299
Email : Najiibyare4@hotmail.com

2 Responses to " Munaasabad loogu Baroordiiqayo qaraxii hotel shaamow oo ka Dhacday Magaalada Hyderabad ee Dalkan India +Sawiro) "

  1. c/wahaab carab says:

    waxaan aad ugu xumahay marka hore qaraxii lal beegsaday aardaydii ka qalin jebinaysay jaamacada banaadir iyo dhaqaatiirtii iyo madaxdii dalka tan labaad waxaan ilah ugu baryayaa ardaydii dhimatay inuu janadiisa ka waraabiyo waxaan kaloo ugu tacsiyanayaa eheladii qaraabadii asaxaabtii iyo dadkii ay k baxeen dhalintii mustaqbalkeena ee daaween laheed dadkeena lagu maadayo.

  2. najiib says:

    waxaan marklae leeyahay ilaahay hau naxariisto intii ku geeriyootay inta dhaawacaana allaha u naxariisto aamin aamiin aamiin

Leave a comment