axadle728x40

Home » Wararka » Axmed Walad Cabdalla oo soo dhaweeyey kullanka kooxda Xariirka Caalamiga ee Soomaaliya maantay uga furmay Magaalada Jidah ee Dalka Sacuudiga.

Axmed Walad Cabdalla oo soo dhaweeyey kullanka kooxda Xariirka Caalamiga ee Soomaaliya maantay uga furmay Magaalada Jidah ee Dalka Sacuudiga.

ahmed-ouldu-aballaErgayga Gaarka ah Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla ayaa soo dhaweeyey kullanka kooxda Xariirka Caalamiga ee Soomaaliya maantay uga furmay magaalada Jidah ee Dalka Sacuudiga.

Axmed Walad Cabdalla ayaa sheegay shirkan in uu yahay mid fursad u ah dowladda KMG si ay u hesho taageero caalami ah si ay u yeelato qorshe amniya oo wax looga qabayo Dalka Soomaaliya.

“Dowladda KMG waxa ay heysataa furad ilaa 2011-ka oo ah in ay dalka ugu dhisto hanaan nabadeed dibna u soo celisaa adeegyadii dadweynaha ee aafeeyey dagaaladii sokeeye” ayuu yiri Axmed Walad cabdalla.

Sidoo kale madaxda ka qeyb galasay kullankani ayaa waxay uga doodi doonaan mel marinta heshiiskii Jabuuti ku saxiixdeen dowladda KMG iyo isbahaysigii dib u xoraynta Dalka Soomaaliya.

1 Response to " Axmed Walad Cabdalla oo soo dhaweeyey kullanka kooxda Xariirka Caalamiga ee Soomaaliya maantay uga furmay Magaalada Jidah ee Dalka Sacuudiga. "

  1. [...] Axmed Walad Cabdalla oo soo dhaweeyey kullanka kooxda Xariirka Caalamiga ee Soomaaliya maantay uga f… [...]

Leave a comment