axadle728x40

Home » Wararka » Ciidamada Amisom oo Xabsiga dhigay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada KMG.

Ciidamada Amisom oo Xabsiga dhigay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada KMG.

amisom1Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay xabsiga dhigeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya gaar ahaan kuwa Daraawiishta.

Saraakiisha la xiray ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay ilaa saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta dowladda KMG Soomaaliya, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay hub iyo rasaas u gudbin jireen kooxaha dowladda ka soo horjeeda, sidoo kalena ay taageero kale u fidin jireen.

“Muddo dheer ayaan baaritaan ku heynay saraakiisha ka tirsan dowladda KMG, waana ogaanay inay si hoose ula shaqeeyaan kooxaha naga soo horjeeda ee dagaalka nagula jira” ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidamada AMISOM.

Ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijinaysa warkan sheegaya in saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay xireen ciidamada AMISOM ee caawinaya dowladda KMG, sidoo kalena ma jirto ilaa iyo hadda saraakiil ka tirsan dowladda KMG oo ka hadashay arrinkan.

1 Response to " Ciidamada Amisom oo Xabsiga dhigay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada KMG. "

  1. ha xiro wixii khawaarijta kaalmo u ah

Leave a comment