axadle728x40

Home » Wararka » Ra’iisul Waasraha Soomaaliya oo Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya uga qeybgalay Kulan looga hadlayo arrimaha Soomaliya.

Ra’iisul Waasraha Soomaaliya oo Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya uga qeybgalay Kulan looga hadlayo arrimaha Soomaliya.

Kulanka_Raisalwasaara_Nairobi_5Wararka aanu ka helayno magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay kulan balaaran oo looga hadlayo arrimaha dalka Soomaliya, waxaana kulankaasi ka qeybgalay Ra’iisulwasaaraha Soomaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo halkaasi ku sugan.

Shirkaasi ayaa waxaa goobjoog ka haa Qaramada midoobe, Midowga Afrika, Urur gobaleedka IGAD, iyo safaaradaha UK,USA, ITALY, FRANCE, NORWAY, SPAIN iyo Hay’addo kale oo Caalami ah, waxaana looga hadlay kulankaasi xaaladda Soomaliya ka taagan waqtigaan iyo taageero la siiyo Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

R/wasaaraha Soomaaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali ayaa radio Muqdisho u sheegay in shirkasi uu ku soo gabagaboobay isafgarad, wuxuna sheegay in la isku raacay in la taageero Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay R/wasaaraha in madaxdii kulankaasi ka soo qeybgashay ay islagarteen in wax laga qabto arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya waxa uu sheegay in waxyaabaha kulankaan looga hadlay ay ka mid ahayd sidii Beesha Caalamku uga dhabeyn lahayd Balan qaadyadii Brusseles, taasoo ajandaha koowaad ka ah shirka 17ka bishan ka furmaya magaalada Jidah ee Dalka Sacuudiga.

1 Response to " Ra’iisul Waasraha Soomaaliya oo Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya uga qeybgalay Kulan looga hadlayo arrimaha Soomaliya. "

  1. [...] Ra’iisul Waasraha Soomaaliya oo Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya uga qeybgalay Kulan looga hadlayo… [...]

Leave a comment